Hogaamiyaha Ururka Al Qaacidda Oo War kasoo Saaray Weerarkii Lagu Qaaday Saldhiga Ballidoogle.

Ururka Al-Shabaab ayaa baahiyay bayaan uu hoggaamiyaha Ururka Al Qaacidda Ayman Al-Zawahiri ku bogaadinayo weerarkii ay Al Shabaab ku qaadeen saldhigga Ballidoogle oo fariirinka ugu weyn ay ku leeyihiin ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Bayaanka ka soo baxay hoggaamiyaha Al-Qaacidda oo aad u dheeraa ayaa intiisa badan looga hadlay dagaalka ay labada Urur kula jiraan dowladda Mareykanka.

Ugu horeyn qoraalka oo dhowr bog ka kooban ayaa lagu yiri, “Inkastoo soo duulayaasha reer galbeedka ay dadaal xoogan ku bixiyeen qarinta kaalintooda gurracan ee Soomaaliya, hadana Xarakada Al-Shabaab ayaa dadaal midkaas ka badan gelisay soo bandhigida dowrkooda daahsoon, weerarkii ugu dambeeyay oo ay ka geysteen Ballidoogle waxa uu kalifay in tobanaan ka mid ah ciidamada Mareykanka loo celiyo eheladooda si iyagoo naxashyadooda ku jira.

“Waxa uu la mid ahaa xasuuqii October ee sanadkii 1993-kii, kolkaas oo meydadkooda lagu jiid-jiiday wadooyinka Muqdishada dulmi-diidka ah, waxaana tirada meydadka askarta Mareykanka ee xilligaas lagu jiid-jiiday wadooyinka Muqdisho ahaayeen isla tirada halyeeyadii Muslimiinta ee fuliyey duullaankii 11-kii sept” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Qaacidda ka soo baxay.

“Waa duullaan kusoo beegmay iyadoo la xusayo duullaan kale, iyo dharbaaxooyin kadaba yimid mid hore. inkastoo hadda dhacdooyinkaas laga joogo muddo sanado ah, hadana Al-Shabaab kalama soocin dhiigga madow iyo midka cad, waxayna halkooda ka sii wadeen siina wadi doonaan masiirada Muqdishada dulmi-diidka ah looga daabulayo Naxashyada loo dhoofinayo Americada badowga ah ee aan ilaa hadda fahmin micnaha fariimahan kaga imaanaya jihaadiyiinta Soomaaliya”.

“waxaan u mahadcelineynaa oo dhiiragelin hawada u soo marineynaa walaalaheena Al-Shabaab, Waxaan soo duulayaasha cod dheer ku leenahay: waa tan fariinteena oo ka cad biyo qulqulaya, waxaadna ogaataan in aadan gabaad ka heli doonin dhulalka Muslimiinta, mana ogolaan doono inaad ciqaab la’aan isaga dhex gudubtaan Soomaaliya”.

“Qudus, Filistiin, Afghanistan, Sham, Ciraaq iyo dhulalka kale ee Islaamka, maanta waan tan isla iyadii oo aan idinku soo celinay iyadoo sideedii ah, ha eedeynina halyeeyada Soomaaliya ee difaacaya ehelkooda iyo Umadooda ee waxaad eedeysaan naftiina”.

“Maraykanku wuxuu maanta ku noolyahay kala qeybsanaan uu dareemi karo qof kasta oo isha ku haya arimahooda gaarka ah, Trump iyo ciidankiisa, haddii dhibaatooyinkii aad kala soo kulanteen Vitnam, ay idin ku illowsiiyeen weeraradii Newyork, Washignton, iyo dagaalladii Ciraaq iyo Afqaanistaan, waxaad illoobi doontaan dhibtii aad kala kulanteen 11-kii septembar iyo dagaalladii xigay” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Qaacidda oo soo socda.

“Aan wadno dagaalka wacyiga, inagoo Umadda siineyna talooyin , dhawaaq dheer oo kicinaya shucuurta umadda ee ku aadan Muqadasaatkeedana kula hadleyna. Aan kicino raganimada iyo xamaasadda ku jirta umadda” ayuu hoggaamiyaha Al-Qaacidda kula dardaarmay Al-Shabaab.

Isagoo sii bogaadinaya ayuu yiri, “Ogaada inaad u bixineysaan dhiigiina iyo madaxyadiina si ay u noqdaan bulkeetiyada ugu horeeyo ee lagu duminayo nidaamka caalamiga ee cusub oo is heysta, ee ka istaaga la dagaalanka Mareykanka iyo kuwa la jira, mowqifka ay istaagaan halyeeyada, dhismo iyo dhul camirid ma jirto illaa uu dagaalku joogsado”.

Ugu dambeyntii hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacidda oo xiriir la hel Al-Shabaab ayaa talooyinkii iyo bogaadintii uu u soo diray Maleeshiyada waxa uu ku soo gaba-gabeeyay, “Ku diiwaan geliya duulaannadiina maalmo dhalaalaya oo ay waariso Taariikhda Muslimiinta, haddii ay idin ka tira iyo xoolo badanyihiina, noqda kuwa ka sabar iyo sugnaan badan, ahaadana kuwa joogteeya Jihaadkooda, illaa Umadiina ay ka aragto iftiinka ka xuroobida reer Galbeedka”.

Halkaan ka akhriso Bayaanka Al-Qaacidda oo Carabi ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker