Madaxweyne Trump o Hakiyay dhammaan Duulimaadyadii Yurub ee Tegi jiray Mareykanka

New York (OWN) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Xayiraad dhanka socdaalka ah uu kusoo rogay dadka dalkiisa kaga imaanaya qaaradda Yurub.

 

Arrintan ayuu Madaxweynahu ku Sababeeyay sidii looga gaashaaman lahaa faafidda Xanuunka Corona.

Khubad uu si toos ah Telefishanada uga jeediyay ayuu ku sheegay in muddo 30 cisha ah la hakiyay dhammaan duulimaadyadii Mareykanka kaga iman jiray Yurub.

 

 

Xayiraadaas ayuu Trump ku sheegay inay tahay “mid adag balse loo baahan yahay”, wuxuuna intaa raaciyay in aysan ku ekeyn oo keliya dalka Britain oo xanuunka fara ba’an ku hayo, balse dhammaan dalalka kale ee Yurub.

 

 

Dalka Mareykanka, 1,135 kiis oo xanuunka corona ayaa la xaqiijiyay, halka 38 qofna ay u dhinteen.

“Si loo joojiyo in kiisas cusub ay dalkeena soo galaan, waxaan hakinay dhammaan duulimaadyada inooga yimaada Yurub,” ayuu yidhi Mr Trump.

 

 

Xayiraadan ayuu sheegay inay dhaqangeli doonta habeenka jimcaha.

Madaxweyne Trump waxaa dalalka midowga Yurub uu ku eedeeyay “inay ku guul dareysteen inay qaadaan tallaabooyin looga gaashaaman karo xanuunka”, si lamid ah Mareykanka.

 

 

Waxaa uu hadalkan jeediyay Saacado uun kadib markii dalka Talyaaniga oo ah dalka ugu badan ee uu Xanuunku saameeyay Marka La Eego Qaarada  Yurub, Waana Dalka Labaad Wadamada Adduunkoo dhan oo waxaa uu laba Ku Noqonayaa Dalka Shiinaha oo ah Hooyada Cudurkan.

 

 

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in la Xidhayo dhammaan dukaamada wax laga iibsado, marka laga reebo kuwa raashiinka iyo dawooyinka.

 

Mareykanka waxaa kale oo uu sheegay in Xayiraadda ay sidoo kale saameyn doonta ganacsiga iyo badeecadaha Mareykanka uga yimaada Yurub.

 

Trump ayaa sidoo kale ku dhawaaqay lacago Amaah ah oo la siinayo ganacsatada yaryar ee uu saameeyay Xanuunka, waxaana aqalka Kongreska uu ugu baaqay inay meel mariyaan qorshe canshuur dhaaf ah inta lagu guda jira saameynta xanuunka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker