IDAAJAA, GARDARO GARAB OGAYD, MISE SAAMBUUSE LAGA EEDAAMAY – ADIMAY

Been ma sheegto taariikhdu, mana baqato. Bishii Ramdaan oo ah Bil Cibaado iyo  Alle ka cabsi ayaa iga soo gashay Barnaamij dib u eegis iyo xasuusin iga ah oo aan dib ugu jaleecay ‘Silsiladdii DEELEY’ ee xigmadda iyo Caqliga fayow xambaarsaneyd, Weliba waxay Diiradda Saareysaa Raggii ku jiray sidii ay u kala caqliga badnaayeen una kala geesi sanayaan. Taasoo salka ku haysa Xaaladda dhabta ah ee dadka iyo dhulka Somalida – Shalay iyo maanta.

Maaha mid aan Anigu Derajooyinkaa kala siinayo – Waayaha iyo wakhtiga jooga ayaa kala saaray oo aragtidooda kala macneeyey. Ragga Qaar Ayaan ugu yeedhayaa Nimankii Caqliga iyo aragtida dheeraa !!. Markaan eego maanta waxa jira iyo Xaaladaha Soomaalidu soo marteyba.

 

Ninka Lagu magacaabo Axmed Farah Ali- Idaajaa wuxuu ka mid ahaa ragii ka qay qaatey ee weliba sida qotada dheer u dhex galay, wuxuu ahaa ninkii Badbaadinta Qaranka ka doorbidey difaaca Taliskii Keligii taliyaha ahaa, wuxuu ahaa ninkii Gaariye -Ilaahay ha u naxariistee, uu ugu halqabsadey ‘ XAMARAHA DUGAAGEE DAM KA SIIYEY BEERAHA, NINKA WADHAF U QAATEY, MA HA DUULIN BAAD TIDHI’.

Qalinkii iyo Aaladihii Qoraalkaba waan xakameeyey si aan Ramadaanta kadib dib u bIilaabo.

Bishii Ramadaan gudaheedii waxaan shaashadaha ka daalacday Idaajaa oo Hargeysa soo booqday oo loogu yeedhayo Geesi waxbadan Afka Soomaaliga ku soo kordhiyey ama nin dadka Soomaaliyeed Abaal ka  mudan. Haddaba rag aan xog badan haynin ayaa ninkaas hor boodey oo Amaan uu isaguba iska leexiyey wakhti badan ku lumiyey iyagoo yidhi igu sawiraay maxaa iga galay !!, si shaashadaha looga daawado kaliya.

Runtii aad baan uga xumaadey in Darajadaa la siiyo nin Tunka ku sita Gardaraddii Garabka ogayd ee 1969-1991kii, weliba Somaliland iyo Hargeysa dhexdeeda isagoo ku naaloonaya Hadh qabow iyo nabad aanu weligii eray ku taageerin iska daa Abaal kale.

Idaajaa rag badan oo Afka Somaliga uga aqoon iyo xikmad badan ayaa joogay oo aan weligood Fursad helin ay ku cabiraan Aqoontooda – Idaajaa wuxuu ku soo baxay fursadii ahayd, yaad taqaan !!Who is who? iyo wastada ee Isxambaarka –Sida laga dareemayo xidhiidhka uu la lahaa Keligii taliyihii. Nin ku soo caanbaxay darajadii isxambaarka ee Yaad taqaan, in la weyneeyo oo laga dhigo halyey qaran waa Aqoon darro iyo meel ka dhac Xaqa iyo Caddaalada.

Silsiladdii Deeleyda ee badbaado Qaran, waxa bilaabay Alle ha u naxariistee ‘Mohamed Hashi Dhamac’ Gaariye,iyadoo salka ku haysay Dugsi ma leh Qabyaaladi, waxay Dumiso mooyaane. Idaajaa Fikraddii Gaariye ee ahayd ‘Dalka sidan loo maamulayaa Cadaalad maaha’. wuu ka soo horjeestay waanu ka qayb galay Doodaas si cad oo badheedha, waxaanu dawladdii kacaanka ku taageeray in Qabiil gaar ahi ay dalka duminayaan oo ay Kacaanka ka soo horjeestaan-Taasina waxay ahayd Godob uu Idaajaa ka galay dadka Soomaalida,Idaajaa sida aad ku arki doontaan Barnaamij Youtube ku soo bixi doona dhawaan, wuxuu Siyaad Barre kula kulmay Gobolka Gedo iyagoo firxad ah oo Xamar ka soo Qaxay.Idaajaa wuxuu Qaxoonti ahaan ku tagay dalka Talyaaniga waxa uu markaa duubay Cajalad dheer oo uu Baalaha ka rifayo Keligii Taliyihii, isagoo weliba si cad ugu eedeeyey dhibaatadii Somalida ku habsatay.Barnaamijkaas oo aan u bixiyey ‘Idaajaa iyo Saambuuse laga eedaamay ama Adimay’!. Waa Goorma !!?

 

Wuxuu in badan Dawladda kacaanka ku difaacay Gardarro isagoo og inuu isaguba ka mid yahay Afarta ku caana maalay ee is huba inay yihiin Gardarro Garab og.

dhawr maanso ayuu kaga qayb galay Silsiladaas- waxay ku jirayaan Barnaamijkaas soo socda. Markii uu talyaaniga Qaxoonti ku noqday Idaajaa wuxuu ku hadlay Af ka duwan kiisii hore,wuxuu si qoto dheer u tilmaamay Kaligii Taliyihii Siyaad Barre iyo intii ku xeernayd sidii ay dalka u baabiiyeen.Wuxuuna u weeraray si gaara isagoo Arrimo badan oo uu markhaati ka ahaa shaaca ka qaaday. Wuxuu ka waramay inuu xitaa Gedo kula taliyey- Goor ay xeedho iyo Fandhaal kala dhaceen.Wuxuu iloobay markii dalku gurmadka u baahnaa inuu ka mid ahaa Mucaaridkii ka soo horjeestay Nimankii Caqliga badnaa ee dalka badbaadintiisa sii saadaaliyey ‘Halka maanta ay Soomaalidu mareyso !’.

 

Halkaa kumuu joogin Idaajaa ‘wuxuu si khaldan Buug uga qoray Silsiladii Deeleeyda’,taas oo jawaabtii saxda ahayd uu Gaariye ka jawaabay – sidii ay ku bilaabantay iyo ujeedadiiba.

Doodu waxay ahayd in wakhtiga iyo Waayuhu kala saaro Nimankii ku kala fikraddo duwanaa Silsiladaas Deeleyda oo uu Idaajaa isagu isku Markhaati furay in laga saxsanaa Dalka iyo dadka Soomaaliyeedna uu goob cidla ah kaga dhaqaaqo.Kadibna uu Cajalada duubo oo uu iska dhigo nin kale iyo wax garad dadka iyo dalkan, dan iyo Muraad kaleh – Indheer garadka lama xasuusiyo in Salaad walba wakhtigeeda la tukado.

Intii uu Hargeysa joogay, Idaajaa afkiisa kama maqal magaca Somaliland oo ku yimid naf bax  nool iyo maalba leh iyo Halgan qadhaadh oo taariikhda ku suntan – taasina waa Godob aan ka tirsanayo ninkasta oo Maangaab ah ama meel soke wax ka eega, oo talladiisu tahay igu sawir ama aan la casheeyo. Intii uu Hargeysa joogay afkiisa kama maqal wax ku saabsan Doodii Deeleyda ee Badbaado Qaran ee ku xusan Taariikhda Somalida – waayuhuna markhaatiga ka noqday.

 

Si aad u fahamto ujeedada Qoraalkan oo aad  iila jaanqaado dhawaan shaashada youtube ka daalaco Idaajaa Hadalkiisa iyo Saambuuse laga eedaamay !!’, Ujeedaduna ma aha –Muxuu Hargeysa u yimid !? Maxaase loo martisoorey – Ujeedadu waxa weeye in la xuso Kaalinta uu ku lahaa  dhibtii Ummadda haysay in la tilmaamo, Runtana laga sheego.Ilama haboona inaan wax weyn ka dhigo’  oo aan la xusin Nin markii ay xeedho iyo Fandhaal kala dheceen Fahmay wixii Suugaan mid dheer iyo mid gaabanba loogu sheegay, kadibna cajalad duuba oo uu ku soo halqabsada ‘Ma Runttiibeynu Qarsanaa!!’- Heestii Abdilaahi Qarshe – Illahow kuu naxariiso. Taasoo ay ka ahayd dadka Soomaaliyeed Ka furto page cusub oo ay ku iloobaan kaalintii uu shalay ku lahaa – Dhibtii ummadda ku habsatay ee uu taageeray, sacabkana u tumay- Taasoo wax badan ka badeli Qabyaaladii uu Keligii taliyuhu uu adeegsanayey.

Nimcadda uu Hargeysa ku arkay waa wixii Soomaali oo dhan lala rabay shalay ee ay ku gacan seydheen inay u hawlgalaan oo u halgamaan.

 

Qalinkii,

C/Risaaq  Sheik

slnews10@yahoo.com

 

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker