SOMALIDU DHAQANKEEDA GEELAY KALA DHACDAA, GEELII LA DHACAY OO DHALAY OO LA ISU SOO CELIYEY LAMA ARAG WELIGEED MAANTANA DHICIMAYSO.

Taariikhda Somalida Iama soo marin geel la dhacay oo ISAGOO DHALAY la isu soo CELIYEY. Shirka GACANLIBAAX shir qaran ayuu ahaa, waxaa uu ummadda Soomalida ee geeska Afrika soo hordhigay dhibaato aad u waxyeelo badan oo qaran oo ka jirtay Somaliland tan iyo labadii XUKUUMADEED EE QOLADA LA BAXDAY JEEGAANTU ay xukunka dalka faqiirka ah la wareegtay, dhibaatadaa oo saamayn xoog leh ku leh Somaliyi meel ay JOOGTABA.

SHIRKA waxaa ka soo baxay waa sidii wax loo wanaajin lahaa si geeddi socodka Somaliland la hor dhigi karo Somalia iyo miiska kala noqoshada labada dal, la hordhigi karo Dawladaha Afrikaaanka ee Ethiopia u horayso iyo Djibouti, la hordhigi karo Dawladaha caalamkaana. Inaga soconayso dhibaatadaa Somaliland inagoo xambaarsan iyo Xukuumadda Jeegaantaa ah ee qodobada GACANLIBAAX ka soo baxay ku wada cadyihiin inaynu Somalia wada hadlada la sheegay ee Somalia waxan jira la hor fadhiistaan karo waayo Somalia waxay ku dacwiyayaan dadka iyo dalka waa dadkayagii oo waxan aa samaynaysaan masuuliyadooda ma qaadi karta an Mana dafiri kartid qodob qudha oo GACANLIBAAX ka soo baxay.
Dawladaha Jaarka isbedel weyn baa ka socda oo isbedelka Ethiopia wuu wada khuseeyaa, isbedel Afrika ka dhacay oon DAGAALO daba soconaa maynu arag ee dagaalaa uu waataa isbedelka Ethiopia.
Xukuumadda Muse Biixi ama Somalidu a waa ummadda adduunka u cannnaadisan waayo dhaqanka Somalida ee ay dunida kaga duwan tahay ayaa a CANNAAD AH. laakiin duruufaha soo socda ee Somaliland ku soo waajahan ayaa wax badan oo xun oo Xukuumaddii musumaasaqa ahayd ee Siilaanyo ka xanuunsaday ay ka tagtay ayaa isbedel ku dhacayaa Muse Biixi hadduu xaqiiqada ku dhaqmiwaayo oo la jaanqaadi waayo isbedelada siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo nabadda ee inagu soo foolle dhibaato ayuu la kulmayaa.
Gunnaanad iyo gebegabadii Geelaa dhalayo ee dadka tirada yar ee jeegaanta horboodaa  dhaceen ee ku dhex  maalayaan xeroda cudur ka badan waa inay ummadda wexeeda iska celiyaan oo Somaliland dacwadeeda iska hagaajiyaan si Somaliland u noqoto wadan masuuliyaddii ummadeed qaadi kara oo lagu aamini karo qaranimo laakiin siday imika tahay hadday ku sii socoto wax laga aqbali karaa ma jirto waayo way nu ku ceebaysanay dawladnimo oo si Dawladeed wax loo a maamul jirin Xummaddii SIILAANYO. Muse Biixi fursad dahabiya buu haystaan hadduu wax bedelo haddii kale usagaa cirka roob ku og.
MBashe (Meerkat)
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker