Siyaasi Cabdilaahi Geel-jire Oo Si Weyn Usoo Dhaweeyay Shirka Beellaha GARXAJIS Uga Furmay Buurta Gacan-Libaax,Sheegayna Inuu Ka Qeyb-gali Doono
Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Cabdilaahi-Geel-jire) oo Xilal Wasiir-nimo kazoo qabtay Xukuumaddii Madax-weyne SIILAANYO,isla-markaasna ka tirsan Xisbigga Muxaafadka ah ee KULMIYE,ayaa ka hadlay Isku-dayga Dawladda Somaliya ee ku aaddan in Somaliland laga Jaro Mucaawimadda Caalamku bixiyo,isaga oo sheegay inay taasi muujinayso in aanay Somaliya Nolol-u-ogolayn Shacabka Reer Somaliland.
Waxa kale oo Siyaasi Cabdilaahi-Geel-jire ka hadlay Hadal kazoo yeedhay Maalintii shalay Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ku saabsan Goboladda SOOL Iyo SANAAG.
Dhinaca kalena,waxa uu soo dhaweeyay Shirka Buurta GACAN-LIBAAX uga furmay qaar ka mid ah Beellaha Somaliland degan
Gabo-gabadii,waxa uu soo shacabka Somaliland ugu baaqay inay Midoobaan,isla-markaasna si deg deg ah loo so oaf-jaro kala qeybsanaanta Gudaha.