Shirweynaha Beelaha Garxajis Oo Shalay Furmay, Ajandayaasha Xasaasiga Ah Ee Miiska Saaran Iyo Ergooyinka Kusii Qulqulaya

Shir-weynihii Tol-wanaaje2 ee ay u ballansanaayeen Beelaha Ismaaciil Sheekh Isaxaaq (Garxajis) ayaa shalay si  rasmi ah uga furmay Buurta Gacan Libaax iyada oo wararkii ugu dambeeyey ee shirkaasi naga soo gaadhayaa sheegayaan halka ay qabanqaabada shirku marayso iyo sidoo kale ajandayaasha shirka iyadoo dhammaan qabanqaabadiisu xalay ilaa shalay ilaa maanta oo axada  ayaa  ergooyinku si rasmi ah goradda isku galiyaan shirkaasi iyada oo shalay illaa xalay ergooyin badani ku sii qulqulayeen Buurta Gacan-libaax gaar ahaan Goobta uu shirkani ka furmayo.

 

Ilo-wareedyo u dhuun daloola qabanqaabada shirweynaha iyo sida hawsha shirku u socoto iyo ajandayaasha miiska saaran ee ergooyinku gorfayn doonaan ayaa tibaaxay in hawsha shirku shalay soo dhammaatay ergooyinkuna  oo shaly  si rasmi ah u fadhiistay  iyada oo Ajandayaasha shirkan hor yaalla ay ka mid yihiin:

Guddi Siyaasadeed oo shirka laga yagleeli doono taasi oo jaan-goyn doonta geeddi socodka siyaasadeed ee mustaqbalka iyo halka beeshu diiradda ku saari doono dhinaca siyaasadda.

 

Sida xogahani   u xaqiijiyeen Ajandaha kale ee isna ergooyinka shirku meel ku tiirin doonaan waxa ka mid ah sidii beeshu mawqif cad uga qaadan lahayd saluug ay sheegeen in beeshu muddoba ka qabtay saamiga ay ku leedahay dawladnimada Somaliland iyo sidii ay mustaqbalka gorgortan adag uga gali lahaayeen xilalka sare ee qaranka. Ilo-wareedyadani waxa kale oo ay noo tibaaxeen in ajandayaasha kale uu ka mid yahay shaqaaqada colaadeed ee Deegaanka Ceel-afweyn iyada oo dhinaca kalena naloo xaqiijiyey in Beeshu shirkan ku qaadaa dhigi doonto sidii umadda ay ugu caddayn lahaayeen in Gooni-isutaagga iyo qaranimada Somaliland aanay ahayn wax gorgortan gali kara iyada oo xogahani noo tibaaxeen in gabagabada shirka lagu soo casuumi doono ergooyin kala duwan oo ka kala socda beelaha Somaliland.

Shirweynaha Tol-wanaaje2 oo muddo badan hadal hayntiisu taagnayd ayaa la filayaa in beesha shirkan isugu imanaysaa ay si weyn dhinaca siyaasadda iyo xaaladda dalka diiradda ugu saarto.

 

Shirweynahan ayaa ku soo beegmaya wakhti xaaladdo adagi ka taagan yihiin dhinaca bari ee Somaliland gaar ahaan shaqaaqooyinka Deegaanka Ceel-afweyn iyo sidoo kale dagaalka ay Somaliland kula jirto Soomaaliya ee Xuduudda Sool iyo Garoowe waxaanay shacabku ka dhur sugayaan halka uu ku biyo shubto iyo nuxurka talooyinka lagu gaadho.

Image may contain: 3 people

Image may contain: 5 peopleImage may contain: text

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker