Shacabka Turkiga oo maanta u dareeraya doorashada madaxweynaha kan baarlamaanka

Turkiga daqiiqado kaddib u dareeray cod bixinta doorashada dalkaasi ka dhaceyso ee laga soo hormariyey xilligeed, waxayna shacabka turkiga ay codbixinta ay maanta u dareerayaan ay ku dooranayaan madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ee dalkaasi.

Doorashadan maanta ay cod bixinteeda billaabmeyso ayaa la filayaa inuu loollan adag uu kala kulmo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, cod bixinta doorashadan si ka duwan doorashooyinki hore isaga oo xilka madaxtinimada soo hayey mudda 15 ka sano ah.

Wuxuuna sheegay haddii uu doorashadan ku guuleysto inuu meesha ka saarayo kursiga ra’isal wasaaraha taasooy mucaaradka ku tilmaameen mid dimuqraadiyadda wiiqeyso.

Waxaa la tartamaya musharraxa isbahaysiga mucaaradka Muharrem Ince oo siyaasaddiisu tahay bidix dhexe. Xisbiga Erdogan AK wuxuu dadaal adag u galayaa sidi uu u hanan lahaa aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay haddii uu kuraasta aqlabiyadda uu heli waayo qorshaha uu ku darsanayo sidi loo dhisi lahaa dowlad isbahaysi ah, balse ma sheegin xisbiga uu isbahaysiga la sameeysanayo.

Erdogan 2003 ayuu ra’isal wasaare noqday wuxuuna xilka sii hayey ilaa iyo 2014 oo madaxweynenima loo doorto

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker