Kooxda Talibanka Afghanistan oo hogaamiye cusub doortay

Hargeysa (OWN) Talibanka Pakistan ayaa ku dhawaaqay hogaamiye cusub kadib markii la xaqiiiyay in taliyahoodii hore Mullah Fazlullah lagu dilay duqeeyn cirka ahoo ay sameeyeen diyaarad nooca Dronska loo yaqaan ee Maraykanku leeyhaay todobaadki lasoo dhaafay. Waxa ay magacaabeen Mufti Nuur Wali Mehsud in uu noqdo Madaxooda cusub.
Sawir hore: Ciidammada Dawladda iyo kuwa Taliban oo isa salaamayaCiidammada Dawladda iyo kuwa Taliban oo isa salaamaya

Waa markii ugu horeeysay oo Talibanka Pakistan ay qirtaan in hogaamiyahoodii hore, Mullah Fazlullah, lagu diley weerar gantaal oo ka dhacay gobolka Kunar ee dalka Afqaanistaan.

Hogaamiyahani ayaa waxa lala dilay afar abaanduule oo kale ka dib markii ay mareykanka la bar tilmaameedsadeen weerar dhanka cirka ah.

Tira ka tirsan hogaamiyayaasha Pakistaan ayaa afar sano ka hor u cararay dhanka xuduuda Afqaanistaan kaddib markii militariga Pakistaan ay fuliyeen howlgalo ka dhan ah Dalibanta Pakistan.

Hogaamiyaha cusub ee Taliban Mufti Noor Wali Mehsud ayaa waxa uu ka soo jeedaa gobolka ku yaalla Koonfurta Pakistaan ee Waziristan, waxaana jira warar sheegaya in hogaankiisa uu mideyn karo dhninacyada khilaafka uu ka dhaxeeyo ee Daliban.

Xigasho BBC News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker