Dowladda Malta Oo Diiday inay Qaabisho 234 Muhaajiriin Afrikaan ah
Malta(OWN)- Dowladda Malta ayaa iska diidday inay qaabisho 234 muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaasi oo Khamiistii laga soo badbaadiyey badda Mediterranean .
Muhaajiriintan ayaa doon ka raacay dalka Liibiya, hase ahaatee markii ay bartamaha badda marayaan ayaa waxaa cillad soo wajahday doonidii ay saarnaayeen.
Markab dadkaasi u gurmaday ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu geeyo Malta, hase ahaatee waxaa loo sheegay inaan loo ogoleyn markabkaasi ku soo xerashada dekaddan.
Dowladda Malta ayaa sababta ay ku diiday iney dadkaan qaabisho waxay ku sheegtay inaanay tabar u hayn dhaqaalaha ku baxaya marka qaxooti ahaan loo qaabilo.
Horey sidan oo kale Malta iyo Talyaaniga ayaa u diiday iney qaabilaan in ka badan 600 muhaajiriin Afrikaan ah, iyadoo ugu dambeyn dadkaasi ay qaabishay dowladda Spain.
Oodweynenews Newsdesk