Dawlada Mareykanka Oo Bogaadiyey Xidhiidhka Cusub Ethiopia iyo Eritrea

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in horumarka ay Ethiopia iyo Eritrea ka sameeyeen xal u helista murranka muddada dheer ka dhex oognaa iyo caadiyeynta xidhiidhkooda uu dhiirigelinayo. In ka badan 20-kii sanadood ee la soo dhaafay ayaa colaadda ka dhex oogneyd labada waddan ay hor istaagtay degenaanshaha iyo kobaca dhaqaale ee gobolka.

Afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders

War-qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in nabad waarta aysan barwaaqo u horseedeyn shacabka Ethiopia iyo Eritrea kaliya balse guud ahaan dalalka deriska la ah, gobolka, Mareykanka iyo good ahaan dunida.

Qoraalka ayaa lagu yiri โ€œMareykanku waxa uu bogaadinayaa qoraalki ka soo baxay Ethiopia 5-tii bishan June ee ay ku sheegtay inay si buuxda u aqbaleyso heshiiskii labada dhinaca ay sanadkii 2000 ku gaareen dalka Algeria.โ€

Qoraalka ayaa sidoo kale Mareykanka uu ku soo dhaweeyay goโ€™aankii 20-kii bishan uu madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu wafdi ugu diray Addis Ababa, si loo sii horumariyo wada hadallo nabadeed oo labad dhinac dhex mara.

Qoraalka waxaa lagu yiri โ€œRaโ€™isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerkiga Eretria ayaa labaduba muujiyay hogaan geesinimo iyagoo talaabooyin u qaaday dhinaca nabaddaโ€

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker