Itoobiya oo xayiraadda ka qaadday TV-yo iyo shabakadaha Internetka
Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay xayiraadda ka qaadday in ka badan 250 TV iyo shabakado Internet oo hore u xannibnaa.
Agaasimaha xafiiska ra’iisulwasaaraha Fistum Arega ayaa Twitterka ku qoray “xoriyadda xogta ayaa aas aas u ah in la helo muwaadiniin lahaansho iyo masuuliyadba leh. Meel ay aragti xor ah taallo oo kali ah ayaa runta laga salgaaraa.
Arrintan ayaa astaan u ah isbeddello xoog leh oo dalka uu ka wado ra’iisul wasaaraha cusub, Abiy Ahmed.
In ka badan 10 sano ayaa maamulayaasha Itoobiya waxay aad u xannibeen in la booqdo Internetka, waxayna xireen maxaddado TV, kuwaasoo loo arkay in ay afdheer yihiin.