Dalalka Mediterranean-ka Ku-teedsan Oo Laga Codsaday Inay Ogolaadaan Dad Laga Soo Badbaadiyey Bada

Urur samafal oo Jarmal ah oo laba boqol iyo lix iyo labaatan qof subaxnimadii Khamiistii ka samata bixiyey badda ayaa ka codsaday dalalka ku teedsan Mediterranean-ka in ay si degdeg ah ugu furaan dekad ay dadkaa ku dejiyaan.

Ururkaas oo la yidhaa The Mission at Sea, ayaa sheegay in uu rajaynayo in sharciyada caalamiga ah ee dhigaya sida loola dhaqmo dadka badda laga soo samatabixyo la raaci doono.

Waxaanu ururku sheegay in aanay mar labaad dhicin dhacdadii todobaad ka hor lagu xayiray markabkii Aquarius ee siday dadka muhaajiriinta ah ee badda laga samata bixiyey oo kale.

Wasiirka arimaha gudaha Talyaaniga ee siyaasaddiisu midigta fog tahay, Matteo Salvini, ayaa dhaleeceeyey ururkaa waxaanu sheegay in ururadaa samofalka ah ee u gurmada dadkaasi ay halis geliyaan nolosha dadkaa muhaajiriinta ah isla markaana ay dano gaar ah ka leeyihiin arimahaas.

Markabkaa soo samatabixiyay muhaajriintaan ee Aquarius ayaa waxaa uu muran badan ka taagnaa halka uu ku xiranayo iyada oo dalalka Talyaaniga iyo Malta ay diideen inuu kusoo xirtaan dalalkooda.

Qaar ka mid ah muhaajiriinta oo intooda badan kasoo jeeda dalalka Africa ayaa lagu soo daadgureeyay labo Markab oo gudaha bada ugu tagaya markabkaasi oo ku suganaa dekadda Valancia ee Spain.

Xukuumada cusub ee Spain ayaa u balan qaaday caafimaad bilaash ah inay siineyso qaxootigan, waxa ayna sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso xaalada muhaajiriintan magangalya doonka ah.

Ra’isal wasaaraha cusub ee Spain ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay labo toddobaad ka hor waxa uu qaatay mowqif uu kusoo dhaweeyay qaxootiga.

Boorar waaweyn oo ay ku qoran yihin luqada kala duwan ayaa lagu soo dhaweynayaa muhaajiriintaan, iyada oo boqolaal booliis ah, saraakiisha caafimaadka iyo tarjumaano ay ku diyaarsan yihiin xeebta.

Dalka Farasiiska ayaa dhankiisa ku yaboohay inuu qaadanayo qaar ka mid ah muhaajiriinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker