Sartu Meeshay Ka Qudhun Santahay Tolaw Ma Beesha Caalamkaa (International Community), Mise Waa Michael Keating Mid U Gaar Ah.Qalinka: C.S.F (Jeesto).
Raqda Solan Lafaa Soolaan
Bal Su,aal U Celi Jawaabtan.
Sababtuu U Go,ay Raadi
Bal Dhageyso Saylaanka.
Iyo Sallawga Beer-qaadka.
Iyo Sabiga Yeedhiisa
Waxaad Aregtay Oo Saasa.
Waxaad Maqashay Oo Saasa
Maxaad Odhan Lahayd Suud?.
Waa maansadii la magac-baxdey (Sirta Nolosha ), Tuducyo ka mid ah oo uu lahaa Abwaankii murtida iyo macalinkii nolosha Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Inkastooy murug-san-tahay oo ay mooraduna cakiran tahay hadana waxaan la waayeyn sabab walba yoolkeeda ama halkay iska haysato, Jamhuuriyada Somaliland waa dal aan la aqoonsaneyn balse iskii u taaba-qaadey mandaqadan Geeska-afrikana ku hel sumcad balaadhan oo xaga amniga ah waliba waa dalalka ugu muhiimsan ee ka shaqeeya la dagaalanka xasiloon darada Geeska, Wakhti-xaadirkanse waxa ay colaad duulaan ahi ka dhaxeysaa xuduuda dhinaca Barri oo ay isu hayaan Maamul-gobaleedka Soomaaliya ee Puntland, Dagaalkan ayaa ah kii ugu awooda badnaa ugu khasaaraha badnaa ee labadan dhinac dhex mara.
Hadaba in badan waxa lagu ixtiraami jirey Somaliland doorkeeda xasiloonida Geeska-afrika taasi oo ay magac badan iyo maamuusba ay ku heshay, Waxase soo if-baxaya in imika laga yara gaabiyey xaalada colaadeed ee ka socota deegaanka (Tukaraq) ee ka tirsan magaalada laas-caanood, Cida gabtay amuurtaasina waa daneeyayaasha Amaanka mandaqada geeska haday tahay Beesha Caalamka iyo Xubnaha qaabilsan gobalkan isla markaana u matala Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamkaba, Waayo waxa la helay warer aan xaqiiqda salka ku hayn oo ay Caalamka la wadaageen Masuuliyiinta u qaabilsan Soomaaliya Jimciyada Quruumaha ka Dhaxeysa, Asalkiise falelkan colaadeed ayaa waxa ka muuqata Dawlada Federaalka Soomaaliya oo yadu aad ugu faraxsan hoostana ka abaabuleysa.
Midse waa in laysla fahmaa ninka la yidhaahdo (Michael Keating) ee Qaramada Midoobey Ergayga uga ah Soomaaliya ma matalo Somaliland, Waayo Somaliland wali dunida uma diwaan gashana mana jirto cid loo soo igmadey oo Beesha Caalamka uga turjuntaa, Arinka uu ergaygani ku soo galey Somalilandna waa War-baahinta oo ku tiraabta Ergayga Somaliland Iyo Soomaaliya u qaabilsan Xog-hayaha Guud ee Jimciyada Quruumaha Ka Dhaxeysa, Tanina ma,aha mid dunida ka dhacda wakiilna laba wadan looma wada diro kamana wada shaqeeyo kaliyaata hal dal ayaa loo igmadaa, Hadaba ergaygan ayaa dhex rooraya laba dal arimaha ka dhaxeeya sababtuna waxa weeyi Somaliland mar kasta isagaa war-bixinta ka dara (Yearly Report Of Security Council In United Nations).
Ergaygu colaadan war-bixino ayuu ka direy sida uu yidhaahdana waxa uu isu haystaa masuulkii ugu horeeyey ee ku guulaysta soo celinta kalsoonida Soomaaliya dhinaca Caalamka, Markaa waxaad moodaa arinka Tukaraq isagu ka dhiganayo mashruuc uu ku sii joogo sida ilo-xog-ogaala aan ka soo xigtayna waxaan helay in dhawaan Ergayga la baddalayo sidaa awgeed uu ku sii gal-galanayo umadaa wada dhalatee waligeedba Ood-wadaagta aheyd, Sidoo kale mr. keating ayaad moodaa masuul ay ku shaqaystaan Masuuliyiinta Soomaaliya oo dhinacaa kala jaan-qaadey si uu u fuliyo marba aregtiyaha Farmaajo iyo Khayre, Mandaqadii nabdoonaydna ku beeraya colaad ama walaac aad u fool-xun taasoo Amaanka Geeska-frika khal-khalinaysa.
Dhinaca Beesha Caalamka waxa biyo-kama-dhibcaan ah iney Soomaaliya iyo Somaliland ahaayeen laba dawladood oo is raacey yagoo sohdimo kala duwan iyo Mustacmaro kala duwan lahaa, Mid kalena wey ku talisey Beesha Caalamku oo aheyd iney wada xaajoodaan Somaliland iyo Soomaaliya si ay isugu fahmaan aregtiyahoodii kala gadisanaa ee dhinaca Qaranimo, Somalilandna ay aqbashey talo soo jeedintaasi dhawr marna lagu kulmay wadamo Shisheeye si loo fuliyo qodobkaasi, Balse waxa muuqata dunidu iney indhaha ka qarsatey gar-darada Soomaliya ay ku soo riixayso Maamul-gobaleedkeeda Puntland, Talaabadani waxay wax u dhimaysaa dunidu danihii ay ka dhiseysay mandaqada ee xasiloonida ahaa, Aregtideeduna waxay keenaysaa tuhun in aan Caalamku arintan waxba iskaga tirinayn.
Wali waxay is weydiin culusi dul taalaa cida u doonyeysatey sii waditaanka hawshan Colaada, Maxaa yeelay Soomaaliya waxay dhabar-taabasho muuqata ku haystaa sii waditaanka dagaalkan labada geesood ah, Waa marag ma doon iney Puntland ay tahay gardaro garab og markaad u fiirsato baaqyada ama dareenada ka soo baxaya, Run ahaantii waxa yadna is weydiin leh ma Michael ayaa sidan u gartey mise macaa beesha caalamka wey kula socotaa arinkan qaldan yadoo dhinaca kalena lagu cel-celinayey mudooyinka danbe dib u furitaanka wada hadaladii labadan dal ka dhaxeeyey haday tahay dunida iyo ergayga u qaabilsan Soomaliyaba, Kolay malac cune muuqan doone waxase ay talo ama talaabo go,aameed la gudboon tahay Somaliland.
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
Diplomatic Annalism.
Gabiley/Somaliland.