Saraakiil ka socota dowladda Qatar oo soo gaaray Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho wafdi ka socda dowladda Qatar ayaa soo gaaray Muqdisho.

Wafdigaan oo isugu jira Saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Qatar, ayaa ka socda Wasaaaradda Difaaca dalkaasi Qatar.

Xubno ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, ayaa Wafdigaan waxa ay ku soo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde, kadibna waxaa loo galbiyay Magaalada gudaheeda.

 

Saraakiisha ka socotay dowladda Qatar ee soo gaaray Muqdisho, ayaa Wasaaradda gaashaandhigga Somaliya waxa ay kula kulmayaan masuuliyiinta ugu sareysa Wasaaradda Difaaca Somaliya.

 

Qatar ayaa isku dayeysa inay galaangal xooggan ku yeelato arrimaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya, waana sababta ugu wayn ee Saraakiishaan ka socotay dalka Qatar ay u soo gaareen Muqdisho.

Dalal kala duwan oo taageera Somaliya, ayaa loolan adag waxa ay ku jiraan sidii door ay uga qaadan lahaayeen dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka Somaliya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker