Dalalka Ruushka,Iiraan iyo Turkiga Oo Kulan Ka-yeeshay Xaalada Dalka Suuriya

Waxaa soo dhamaaday kulan ay yeelanayeen sadexda dowladooda oo looga hadlayey dhismaha Guddiga soo qori doona Dastuurka cusub ee wadanka Siiriya.

Kulankan ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland oo ay garwadeenka ka ahayd Qaramada Midoobay ayaa lagu guuleysan in dalalkaasi ku heshiiyaan soo xulida xubnaha guddiga la filayo inay soo qori doonaan Dastuurka cusub ee wadanka Siiriya.

Sadexdan dal oo iyagu kala taageera dowlada Siiriya ee Bashar Al Assad iyo xoogaga Mucaaridka ayaa horey ugu guuleystay inay dhaqan geliyaan heshiisyo ay ka gaareen xabad joojin laga hirgeliyey qeybo kamid ah dhulka dagaalada ka socdeen ee wadanka Siiriya, ayaa hada doonaya inay xal siyaasadeed ka gaaraan dagaalka sokeeye ee ka socda wadankaasi.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Siiriya Amb. Staffan de Mistura ayaa sheegay in dhinacyada kulmay ay si qoto dheer uga doodeen qaabka lagu soo xulayo guddiga soo qoraya Dastuurka cusub, isla markaana ay jiraan qodobo la isku afgartay walow aan lagu guuleysan in kulankii Salaasadii ay kasoo baxaan go’aano kama danbeys ah.

Amb.de Mistura ayaa sheegay in ergeda sadexdan dal ay markale kulmi doonaan todobaadyada soo socda, si xal looga gaaro dhismaha guddiga Dastuurka Siiriya.

Isbaheysiga Mucaaridka Siiriya ee loo yaqaan SNC oo fadhigooda yahay Turkiga ayaa sheegay inay doonayaan in marka hore la baaro taariikhda shaqsiyaadka kamid noqonaya guddiga Dastuurka, isla markaana la faah faahiyo awoodooda, waxayna mucaaridka shaki weyn ka muujiyeen in Dowlada Bashar Al Assad dooneyso inay afduubto qorista dastuurka cusub.

Xukuumada Bashar Al Assad ayaa iyadu hada soo gudbisay magacyada 50 qof oo ay sheegtay in lagu daro guddigan soo qoraya dastuurka, walow aan la ogeyn tirada xukuumada ku yeelan doonto guddiga.

Mucaaridka ayaa doonaya in dastuurka cusub uu noqdo mid awooda inteeda badan siinaya shacabka isla markaana hoos u dhigaya saameyn ay ku yeelan karto xukuumada hada joogto ee Bashar Al Assad.

Qorshaha Qaramada Midoobay ee xal u helida dagaalka Sokeeye ee Siiriya ayaa ah 4 waji oo kala ah;

1- Qorista Dastuurka cusub

2- Doorashada Baarlamaanka

3- Dhismaha Dowlad loo dhan yahay oo Kumeel Gaar ah

4- La dagaalanka Kooxaha Argagaxisada ah

Dalalka Turkey, Iran iyo Ruushka oo labada dhinac ee dagaalamaya kala taageera ayaa iyagu sheegay inay taageerayaan oo ay damaanad qaadayaan xabad joojinta iyo hirgelinta 4tan qodob.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker