Sucuudiga oo xidhay dad masaajidka Nebiga ku dhex-caayay wasiir

Jidah (OWN )Safaaradda Sacuudi Carabiya ee Pakistan ayaa xaqiijisay in tiro dad ah oo u dhashay Pakistaan la xiray kadib markii ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo lagu tilmaamay ‘aflagaado’ xilli ay ku sugnaayeen masaajidka Nebiga ee ku yaalla magaalada Madiina.

Khamistii ayay aheyd markii dad badan oo kasoo jeedo Pakistaan ay ku dhawaaqayeen erayo siyaasadeed iyo aflagaado markii uu Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Pakistaan, Shahbaz Sharif uu gaaray Masjidka Nabiga isaga iyo wafdi uu horkacayay kuwaas oo salaadda ku tukanayay halkaas.

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah dad Pakistaaniyiin ah, balse warbaahinta Pakistaan ayaa Jimcihii soo xigtay saraakiil ka tirsan safaaradda Sacuudiga oo sheegay in dadka qaar ay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ‘Caay ah’ xilli ay ku tukanayeen masjidka Nabiga. waxaana xabsiyada loo taxaabay dadkii lagu eedeeyay arrintaas.

Mar ay BBC la xiriirtay safaaradda Pakistan ee Sacuudiga ayaa waxay sheegtay in warkaas aan la xaqiijin.

Safaaradda Pakistaan ee Sucuudiga waxay intaa ku dartay in haddii uu jiri lahaa warkan ay maalintii ugu horreysay ee dhacdada ay baahin laheyd wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga.

Sakaullah Mohsin oo ah wariye ka tirsan wafdiga Ra’iisul wasaaraha Pakistan ayaa BBC-da u sheegay in Ra’iisul wasaare Shahbaz Sharif iyo wafdigiisa markii ay soo gaareen masjidka Nebiga ay halkaasi isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan kadib markii ay la kulmeen wasiirka warfaafinta Maryam Aurangzeb, Waxay dadka ku qeylinayeen ‘tuug’ .

Dadkii joogay masaajidka Nebiga ayaa khashkhashaaday wasiirka, waxaana usoo gurmday Shah Zain Bugti oo ka mid ahaa wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Pakistaan, dadka qaar ayaa la arkayay iyagoo timaha jiidaya halka qaarkood ay dharbaaxeen wasiirka Warfaafinta Pakistan Maryan oo kamid aheyd wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ku wehlinayay Sucuudiga.

BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker