Roobab Duufaano Wata Oo ka Da’ay Degmada Salaxley

Salaxlay(OWN)- Inkasta oo aan weli Tirakoobka rasmiga ah Khasaaraha Roobka Duufaanta watay ee fiidkii caawa ka da’ay degmada Sallaxlay iyo deegaannada Hoos-taga la soo saarin, haddana waxa la xaqiijiyey waa dhimashada Wiilkaas yar iyo illaa saddex Qof oo ku dhaawacmay. Hase-yeeshee, Guryo Tiro badan oo ugu yaraan Boqol iyo wax la mid ah lagu qiyaasay, ayaa Dumaray, halka qaarkood ay Jiingadda Duufaantu kala tagtay. Guryaha ayaa isugu jira Daaro, Dergado, Basas iyo Aqal-Soomaaliyo, sida ay Xildhibaan Kawsar Aw Cali iyo Dad kale oo ku sugan Sallaxley.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker