Roobab Duufaano Wata Oo ka Da’ay Degmada Salaxley
Salaxlay(OWN)-ย Inkasta oo aan weli Tirakoobka rasmiga ah Khasaaraha Roobka Duufaanta watay ee fiidkii caawa ka daโay degmada Sallaxlay iyo deegaannada Hoos-taga la soo saarin, haddana waxa la xaqiijiyey waa dhimashada Wiilkaas yar iyo illaa saddex Qof oo ku dhaawacmay. Hase-yeeshee, Guryo Tiro badan oo ugu yaraan Boqol iyo wax la mid ah lagu qiyaasay, ayaa Dumaray, halka qaarkood ay Jiingadda Duufaantu kala tagtay. Guryaha ayaa isugu jira Daaro, Dergado, Basas iyo Aqal-Soomaaliyo, sida ay Xildhibaan Kawsar Aw Cali iyo Dad kale oo ku sugan Sallaxley.