Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Gaadhay Dalka Norway
Oslo(OWN)- Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay dalka Norway.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa sida Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Waxaana halkaas ay uga soo qeyb gali doonaan Shir Caalami ah oo looga hadlayo arrimo badan.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Abdirxmaan Ducaale Beyle ayaa bartiisa Facebook ku soo daabacay in ay soo bandhigi doonaan Horumarka Somalia ay ka gaadhay dhinaca Maaliyadda.