Mucaaradka Kenya Oo Ka Hadlay Xiisada Diplomaasi Ee Kenya Iyo Soomaaliya

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ANC ee dalka Kenya Musalia Mudavadi ayaa ka hadlay xiisada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo wadankaasi.

 

Mudavadi, oo horey u soo noqday madaxwayne ku xigeenka Kenya ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay soo farageliyaan khilaafka kenya iyo Soomaaliya .

Waxa uu sheegay in hadii aanan si deg deg ah xal looga gaadhin ay ka dhalan karto dhibaatooyin, sida uu hadalka udhigay.

Xiisada diblumaasiyadeed oo cirka isku sii shareeraysaysa ayaa timid markii Kenya ay ku amartay danjiraha Somalia inuu dalkeeda isaga baxo.

Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u soo bandhigtay caalamka shidaal ku jira dhul badeed ay ku muransan yihiin labada dowladood.

Labada dal ee dariska ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xidhiidh ganacsi oo qoto dheer, iyada oo aanan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto arrintani.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker