Go’aanka maxakamadda ICJ ee dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta la sugayo
Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ, ayaa gelinka dambe ee maanta waxa ay ku dhawaaqeysaa xukunka muranka xuduudda badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Maxkamadda ayaa qoraal ay barta Twitter-ka soo dhigtay waxay ku sheegtay in muddada loo qabtay dhegeysiga dacwadda ee maanta ah aysan waxba iska beddelin:
Saacadu marka ay tahay 4:00pm (4-ta Galabnimo) xiliga geeska Afrika ayay Maxkamaddu si toos ah ugu dhawaaqi doontaa natiijada.
Magaalada Hague ee ay ku taalla xarunta Maxkamada ICJ ayaa waxaa ku sugan masโuuliyiin Soomaaliya halka ay dowlada Kenya ayna cidna u soo dirsan dhagaysiga natiijada dacwada.
Dowlada Kenya ayaa hore ugu dhawaaqday in ayna aqbali doonin natiijada ka soo baxda dacwada u dhexeysa dowlada Soomaaliya iyo Kenya.
Dowlada Kenya ayaa geysay ciidamo badan xaafadaha ay Soomaalidu ku badan tahay magaalada Nairobi iyadoo culeys ku saareysa dadka Soomaalida ah inay dhigaan banaanbaxyo ay kaga dabaaldegayaan natiijada xukunka.