Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Galgalduud
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxaan dagaal u dhexeeya maleeshiyo beeleed iska soo horjeeda oo ka dhacay deegaanka Turbi ee degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka ay ku dhinteen saddex qof halka tiro kabadana ay u dhaawacmeen.
Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa la sheegay inay isku horfadhiyaan deegaanka ay ku dagaalameen iyadoo ay socdaan dadaalo ay wadaan oday dhaqameedyada iyo culumaa’udiinka degmada Balanbale.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka dagaalamay ay kala helayaan gurmad dheeraad ah lagana cabsi qabo in dagaalka uu dib u qarxo.
Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan xiisada ka tagaan degmada Balanbale.