Dadka Sharci La’anta Ku Nool Sweden Oo Warbixin Lagu Soo Bandhigay

Baadhitaan lagu sameeyay noloshada Dadka aan haysan Sharciga Sweden isla markaana ku nool Dalka ayaa lagu soo bandhigay Caasimada Götenborg waxaana dadkaasi lagu sheegay 20 ilaa 50,000 kun oo qaxooti ah kuwaasi oo ku adag tahay noloshooda.

 

Warbixinta ayaa muujineysa in dadkaasi oo aan heysan Sharciga Dalka ay dareemayaan Xanuun Maskaxda ah boqolkiiba 70 dadkaasi ayaa ka walaacsan sidii ay dalka uga tagi lahaayeen kuwaasi oo niyad jabsan.

Kalabadh dadkaasi aan heysan sharciga ayaa ku adag helitaanka cuno ay cunaan sida ay muujineyso warbixinta.

 

Henry Ascher  Oo kamid ah baarayaasha ayaa sheegay in layaab tahay in Sweden uu ku nool yahay qof aan maalintii si wanaagsan aan wax u cunin.

 

 

Xigasho/TT

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker