Wasiir Maxamed Kaahin oo Isugu Yeedhay Ha’yaddaha Kala Shaqeeya Ammaanka Dalka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland  Maxamed Kaahin Axmed ayaa xafiiskiisa Shir kula qaatay ha’yaddaha kala duwan ee ee fadhigoodu yahay Hargeysa Sida DANIDA, DDG, DRC, SEFER WORLD UNSOM Iyo EUCAP.

Ha’yaddahan ayaa dhammaan Wasaaradda arrimaha ka taageera ah hawlgala nabadgelyada iyo Masharaaciida horumarineed , waxaa lays soo qaatay siddii gobolada bari looga heli lahaa nabadgelyo taam ah oo ay ku ladaan bulshada gobolada ku nooli.

Ubucda Shirka ayaa daarnayd sidii gobalada bariga Somaliland ee Sool Iyo Sanaag Loogu heli lahaa nabad waarta isla markaana loo gaadhsiin lahaa kaalmada caalamiga ah, mashaariicda horumarineed iyo shaqo abuurba.

Si loo jiheeyo bulshada deegaanadaasi oo u badan xoolo dhaqato xoolihii ka baxeen.

Dhinaca kale sida lagu baahiyey bogga u gaarka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ee baraha bulshada Wasiir Kaahin ayaa ballan qaaday ammaanka iyo nabadgelyada dadka ku sugan Somaliland ee kasoo jeeda dalka aynu deriska nahay Soomaaliya, Wasiirka oo arrintaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Dhaqan islaam iyo Mid kale toona maaha in martida iyo maxasta la dhibaateeyo,

Somaliland na dhaqan uma laha, qofkasta oo Soomaali ah oo Somaliland jooga waa nin waddankiisii labaad jooga, dhaqankan ay maamulka Garoowe la soo baxeen wax kasoo qaad malaha, waa nin daad qaadey xumbo cuskay.
dhammaan ganacsatada, dhammaan Shacabka deggan.

Ardeyda Jaamacadaha Dhigata dadka caafimaadka ujooga. Dhamaantood amnigooda annagaa ka masuul ah cid wax yeeli kartaana majiro, insha allah”

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland

Maxamed Kaahin Axmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker