Tirada Dadka Maraykanka Oo Korodhay+Sababta Oo La Shaaciiyey

Daraasad ay dawladda Maraykanku dhawaan samaysay ayaa lagu ogaaday in dadka naftooda dila ay sare u kaceen 30% kala bar gobolada Maraykanka laga soo bilaabo 1999.

Tirakoobkan ayaa soo baxay kadib markii todobaadkan dad caan ah ay is dileen, kuwaasoo kala ah Kate Spade oo ahayd haweenay caan ah oo naqshadaysa dharka labiska ah iyo Anthony Bourdain oo ahaa cunto kariye caan ah. Balse maxay tahay sababta keenaysa in dadka Maraykanka ay naftooda ku qamaaraan?.

Sare u kac 30% muddo 17 sano ah

Xarunta xakamaynta iyo ka hortagista cudurada ee Maraykanka ayaa sheegay in sare u kaca dadka is dila dalka oo dhan ay gaarayso boqolkiiba 25%, taas oo micnaheedu yahay in boqolkii kun ee qof oo Amerikan ahba 16 ka mid ah ay nafta iska jarayaan.

Dad gaaraya 45,000 kun ayaa nafta iska jaray sanadkii 2016-kii oo kaliya, waxayna xaruntan sheegtay in sare u kaca uu ka jiro dhammaan jiilalka kala duwan iyo xitaa lab iyo dhedigba. Hormuudka cilmi baaristan Dr Deboorah Stone ayaa BBC-da u sheegtay in in 25 gobol kororka uu gaaray illaa boqolkiiba 30%.

Maxaase ugu wacan?

Waxaa la sheegay in xiriirka dadka ka dhaxeeya oo xumaada iyo xaaladaha dhaqaale ay ka midyihiin waxyaabaha dadka ku kalifa in ay nafta iska jaraan.

Waxaa aad ugu badan gobolada miyi xigeenka ah meelaha dhimashada ugu badan ay ka dhacaan, iyada oo gobolada qaar dhaqaale xumadii gaartay ay keentay in dad badan aysan wali soo kabanin, islamarkaasna aysan helin adeegyada asaasiga ah. Daraasadda ayaa waxa ay sidoo kale sheegtay in caafimaadka maskaxda ay qeyb ka tahay in dadka dilaan.

Balse 54% dadka dhintay ma aysan lahayn taariikh xanuun dhimirka ah oo la ogyahay. Dr Stone waxa ay sidoo kale qabtaa in dadka isticmaala waxyaabaha maandooriyaha ah ay iyaguna ku badanyihiin kuwa is dila. Waxaanan ka marnayn kuwa ay ku furanyihiin dacwadaha maxkamadaha ee inta badan keena tiiraanyada.

Sidii dadka Amerikan loo bari lahaa sabirka

Xeeldheerayaasha waxa ay sheegayaan in dadka la baro sabirka iyo sidii ay ugu dulqaadan lahaayeen xaaladaha adag ee soo wajaha in ay dhimi karaan dadka nafta iska qaada. “Waxaan baranaa sida wax loo akhriyo ama loo qoro, balse waa in aan barnaa sida loo dulqaato” ayuu yiri Dr Reed. Waxaa ka mid ah in qofka uu is hilmaamsiiyo xaalada uu ku jiro, sida isaga oo eegaya sawirrada qoyskiisa iyo carruurtiisa, taas oo uu farxad ka heli ogyahay.

 

 

Xigasho:BBC SOMALI

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker