Gabadh Somali ah Oo Dhawac kasoo Gaadhay kaddib Markii Gurigeeda Uu Dab Qabsaday

Caasha Xaaji oo Soomaali Mareykan ah ayaa iska tuurtay Dabaqa 2aad ee Guriga ay ka deggan tahay Magaalada Burlington ee Dalka Mareykanka.

 

Dhismaha Guriga ayuu dab ka kacay,Caasha waxaa ay go’aansatay in ay istuurto waana ay ku dhaqaaqday,waxaa uu dhaawac ka soo gaadhay dhabarka iyada oo hadda lagu dabiibayo Isbitaalka Jaamacadda University of Vermont.

 

 

Xubnaha kale ee Qoyska oo qaarkood Guriga ku sugnaa ayaa markii uu dabka kacay iskula hadlay Af Soomaali,waxaa la waayay mid ka mid ah xubnaha Qoyska,waxaana ay Caasha dhaawaceeda ka sokow ka wal walsaneyd wiil yar oo ay dhashay .

 

 

Booliska degaanka ayaa sheegaya in sababta dabkan kicisay aan wali lahayn, hayeeshee ay baadhitaan ku hayaan waxa sababay dabkaas.

 

 

Saraakiisha Isbitaalka ayaa ka gaabsaday in ay sheegayaan xaaladda ay ku sugan tahay Caasha Xaaji,waxaase Natasha Cabdalla oo ehel la ah Caasha ay sheegtay Caasha uu  dhaawac kasoo gaadhay  Dhabarka.

 

Madaxa damdamiska Magaalada Burlington,Steven Locke, ayaa sheegay in ay billaabeen baadhitaanka waxa sababay Dabkan oo sidoo kale saameeyay saddex Guri oo Gurigan ku dhawaa.

Oodweynenews Newsdesk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker