Guddida Fulinta Ee Xisbiga KULMIYE Oo Shir Degdega Isugu Imanaya Sabtidda
Guddida Fulinta Ee Xisbiga Taladda Somaliland Haya Ee KULMIYE, ayaa la filayaa in ay fadhi Yeeshaan maalinta Sabtida ah Ee Soo Socota.
Lama oga waxyaabaha lagaga hadli doono shirkan guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye yeelan doono, shirkan ayaa lagaga hadli doonaa arrimo dhawr ah oo ku saabsan hawlaha Xisbiga Kulmiye horyaala oo ay ka mid tahay u diyaargarowga doorashada Madaxtooyadda ee soo socota, waxyaabihii Xisbigaasi kala kulmay Doorashaddii isku sidkanayd ee dalka ka dhacday sannadkan iyo weliba sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha Xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, oo isagu leh awoodda Guddoomin Shirka Guddida Fulinta, Ayaa la ogayn inuu ka soo qayb geli doono shirkan Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE yeelan Doono.
Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE, Ayaa ka kooban dhawr Iyo labaatan xubnood oo ay ku jiraan Xubnaha Hoggaanka Sare Ee Xisbigaasi.
Awooddaha iyo Masuuliyadda Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE, Ayaa waxa ka mid ah
1- Soo saarista Go’aamo lagu socodsiiyo hawlaha Xisbiga
2- Waxa ay isugu yeedhi karaan Golaha Dhexe Shir aan caadi ahayn.
3- Waxa kale oo ay baahi jirta awgeed u soo saari karaan si ku meel gaadh ah Xeerar Xisbiga Lagu Dhaqo.
Xigasho: Wargeyska Saxansaxo.