Madaxweynaha Ruushka Oo Ku Gacan-saydhay Xabad Joojin Turkigu Dalbaday

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku gacan seyray xabad joojinta uu Turkiga codsaday si looga hortago in uu dhiig ku daato waqooyiga Suuriya.

Haseyeeshee, Ruushka iyo Iiraan ayaa xulafa la ah madaxweynaha Suuriyaa Bashar al-Assad, waxa ayna sheegeen in ay khasab tahay in kooxaha jihaad doonka ah ee ku sugan Idlip gabi ahaanba laga sifeeyo gobolka.

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo kumanaan dagaalyan oo Iiraaniyiin ah ayaa milatariga Suuriya ka caawiya weerarada ay ku qaadaan goobaha ay ka taliyaan mucaaradka.

Shirka saddex geesodka ahaa ee maanta dhacay ayuu Mr Putin ka sheegay in Ruushka uu sii wadi doono dagaalka uu kula argagixiada ku sugan gobolka Idlib.

Idlib ayaa ah goobta kaliya ee ku soo hartaya gacanta kooxaha mucaaradka, waxana ku nool dad gaaraya ku dhowaad Saddex milyan oo qof.

Waa gobolkii ugu dambeeyay ee ay ka taliyaan ururada mucaaradka iyo kuwa jihaad doonka ah, kuwaasi oo isku dayayay in meesha ay ka tuuraan Mr Assad toddobadii sano ee la soo dhaafay.

Waxa uu gobolka isku xiraa waddooyinka waaweyn ee mara waddanka Suuriya marka haddii dib looga qabsado mucaaradka waxa ay ku tahay dhabar jab weyn sabatoo waxa ay ku sooo harayaan goobo yar-yar oo kala fog.

Waxaa la aaminsanyahay in ilaa 30,000 oo isugu jira mucaardka iyo kooxaha jihad doonka ay ku sugan yihiin gobolka Idlib, balse dadka badankoodu waa shacab.

Qaramada midobay ayaa sheegeysa in gobolka ay ku noolyihiin ilaa 2.9 milyan oo shacab ah oo ay ka mid yihiin milyan caruur ah.

In ka badan nus malyuun qof ayaa ka barakacay guryohooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker