Maxkamada Boqortooyada Sacuudiga Oo Dil Ku Xukuntay Afar Nin

Maxkamada Boqortooyada Sacuudiga ayaa xukun dil ah ku riday afar nin oo la sheegay inay tababar kusoo qaateen dalka Iran.

Raggan ayaa lagu eedeeyey inay dhawaan dib uga soo noqdeen safar ay ku tageen dalka Iran, halkaasi oo la sheegay inay tababar kusoo siiyeen ciidamada Iran, si ay weeraro qorsheysan uga geysan lahaayeen gudaha dalka Sacuudiga.

Xubnahan ayey Sacuudiga ku eedeeyeen inay khaarijin lahaayeen mas’uuliyiin sar sare walow aan la carbaabin cida qorshahooda ah inay dilaan. Xukunkooda ayaa lagu shaaciyey Khamiistii warbaahinta dowlada.

Xiriirka labada dal ayaa ahaa mid sii xumaanayey tan iyo 2016, kadib markii ay dowlada Sacuudiga dishay Wadaad Shiico ah oo u dhashay Sacuudiga kaasi oo lagu eedeeyey inuu kacdoon ka dhan ah Boqortooyada ka waday bariga dalkaasi dhulka ay shiicada ku xoogan yihiin.

Sacuudiga ayaa sidoo kale ku eedeeya Iran inay taageerto kooxaha Shiicada ah ee Xuuthiyiinta Yemen oo uu dagaal ka dhaxeeyo.

Xukunkan ayaa sidoo kale lagu soo beegay xili Sacuudiga uu si weyn usoo dhaweeyey go’aankii Donald Trump uu ku burburiyey heshiiskii Maraykanka qeyb ka ahaa barnaamijka Nukliyeerka iyo cunaqabateynta horleh ee lagu soo rogay Iran.

Israel iyo Sacuudiga oo xulafo la ah Maraykanka ayaa olole xoogan ugu jiray muddo dheer in cadaadis dheeraad ah la saaro dalka Iran si markaasi loo wiiqiyo awooda Iran ee kusii fideysa wadamada Carabta sida, Iraq, Yemen, Siiriya iyo Lubnaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker