Madaxweyne Muuse Biixi Oo Guddi Miisaan Leh U Saaraya Xal U Helista Shaqaaqada Ceelafweyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan la filayaa inuu ku dhawaaqo Gudi ka kooban siyaasiyiin miisaan culus ku leh Somaliland iyo Culimo Awdiin kuwaasi oo uu u xushay xalinta Dagaalka dhiiggu ku daatay ee ka taagan Deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ee u dhexeeya labada beelood ee Walaalaha ah,Waxa ay gudidaaasi sida la sheegay hawlgalkooda bilaabayaan Ciidal Fidriga kadib oo ay inaga xigaan Muddo taban maalmood ka yari.

 

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah Gudidaasi ayaa warbaahinta u sheegay in gudidaasi ay iskugu jiraan Masuuliyiin Xil Madaxweyne ka soo qabtay Somaliland iyo kuwo Xil Madaxweyne ku xigeen ka soo qabtay dalka. Waxa uu carabka ku adkeeyay oo shaaaca ka qaaday inuu gudidaasi ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale kaahin,Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland Muj Xasan Ciise Jaamac,iyo sidoo kale Cabdiraxmaan Awcali Faarax oo isna hore Madaxweyne ku xigeen Somaliland uga soo noqday,waxa kale oo uu sheegay oo Gudidaasi ku jira Mujaahid Ibraahim Dhegaweyne,iyo Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo ee dhawaan Somaliland nabadda la qaatay Cali Khaliif Galaydh,waxa sidoo kale uu sheegay in dhinaca Culimada uu kaga jiro Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo ka mid ah Culimada Waa weyn ee Reer Somiland.

 

Eng Faysal Cali Waraabe oo Gudidaasi Warbaahinta u faah faahinaya ayaa waxa uu yidhi“Waxa uu Madaxweynuhu Qorsheeyay in Arinta Ceel Afweyn Insha Allah,Marka Lixda Maamulmood ee Shuwaal la soomo,iyo Ciida kadib in Arintaasi Ceel Afweyne si weyn loo gali doono,Waxaana gali doona Dad Reer Somaliland ah oo isku dhafan oo loo dhan yahay oo ka kooban islamarkaana ay ku jiraan Madaxweyneyaashii iyo Ku xigeenadii hore,Daahir Riyaale Waa joogaa,Xasan Ciiise Jaamaca waa joogaa,Cabdiraxmaan Awcali waa joogaa,Cali Khaliif waa joogaa,Mujaahid dhegga weyne iyo aniga insha Allaah,iyo Culimo Awdiin, gaar ahaan Dadkii Fiqiga yaqaanee,ee yaqaanay sida dhibaatooyinka caynka ah loo xaliyo,sida Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar,waxaa lagu galayaa dad miisaanleh oo reer Somaliland ah,oo aan cidna u eexaynayn,Waxaanu marka hore baadhi doonaa Maxaa keenaya Dagaalka”.

 

 

Shaqaaqada Ceel Afweyn oo u dhexaysa labada Beelood oo Walaalo ah oo oodwadaag ah oo deegaankaasi wada dega ayaa soo taxnayd tan iyo Markii uu dalka ka ariminayay Madaxweyne Siilaanyo waxaana dhawr jeer dhex maray dagaal dhiig ku daatay. Waxay soo laba kaclaysay bilawgii sanadkan,kadib doorashadii Madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay. Waan waan Nabadeed  iyo ergo badan oo la isku dayay in labadaasi beelood lagu ladqabeeyo waxa ay noqdeen hal bacaad lagu lisay,Waxaana mar labaad iyo mar saddexaad dhex maray dagaal wiil badan oo labada dhinac ahi ku dhinteen. Waxa ay hadda u muuqataa inay soo afmeermayso haddii ay dhabawdo Gudidaasi miisaanka leh ee uu Faysal cali Waraabe sheegay inuu Madaxweynuhu u xushay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker