Askari Maraykana Oo Lagu Dilay Jamaame

Askari ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa lagu dilay weerar looga shakinsayahy in ay geysteen dagaalyahanada al-shabab ee koonfurta Soomaaliya, sidaasi waxaa sheegay saraakisha ciidamada Mareykanka.

Afar kale oo ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo askari soomaali ah ayaa sidoo kale lagu dhaawacay weerarka oo ka dhacay meel u dhow magaalada Jamaame, intaasi ayay raciyeen saraakiisha ciidamada difaaca ee mareykanka.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ayaa si wada jir ah u fulinayay hawlgalka.

Waa askarigii ugu horeeyay ee Mareykan ah ee la shaaciyo dhimashadiisa tan iyo markii weerar gaadma ah ee ka dhacay dalka Niger bishii October, sida uu sheegay wargeyska New York Times.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegaya in ciidamadooda ay gacan ka siiyaan ciidamada Soomaaliya hawlgallada ay fuliyaan.

Markii hore madaxweyneyaasha Mareykanka ayaa ka warwari jiray in ciidamdooda ay gudah u galaan Soomaaliya tan iyo markii 18 askari oo ah kuwa gaarka u tababaran ay ku dhibteen dagaalkii maleeshiyada Muqdisho ee 1993, kaas oo markii dambe laga matalay filim la magac baxay Black Hawk Down.

Si kastaba, madaxweyne Donald Trump ayaa balaariyay hawl galada ka dhanka ah ururka al-shabab oo xiriir la leh al-Qaeda.

Al-Shabab ayaa caasimadda Muqdisho laga saaray bishii Agosto ee 2011 kadib hawgal ay hogaminayeen ciidamada Midowga Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker