” Sweden kasnoosoo gacan galiso 73 qof ay ku balanqaaday ..”Madaxweynaha Turkiga
Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayib Erdogan ayaa sheegay in dowlada dalka Sweden ay Turkiga u balan-qaaday soo gacan-galiso 73 qof oo uu ku tilmaamay argagaxiso, kadib heshiiskii ay Madrid ku wada galeen madaxda labadda dal.
Erdogan ayaa arrintaas ku sheegay guul diblomaasi oo weyn, wuxuuna labadda dal ka codsaday inay fuliyaan codsigaas kahor inta baarlamaanka Turkigu aanuu ka shaqeyn codsiga Sweden ee kamid noqoshada Nato.
Turkiga ayaa horey Sweden ugu tilmaamay hoyga iyo gabaadka argagaxiso, maadaama ay dalka Sweden si xor ah uga howlgalaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo mid bulsho-ba ka sameeyaan ururadda kurdiga ee la dagaalama dowlada Turkiga.