Dawlada Suudaan oo Khadka Enternetka u ogolaatay Hal Qof oo kali ah

Garyaqaan ku sugan dalka Suudaan ayaa BBC-da u sheegay in kaligiis dowladda usoo fasaxday qadka internet-ka oo intii muddo ah jarnaa.

Cabdicadiim Xasan ayaa ku guuleystay dacwad uu geeyay maxkamadda sare, taas oo amartay in shirkadda isgaarsiinta ee Zain ay qadka internetka usoo dayso Cabdicadiim.

Tan ayaa waxa ay sabab u tahay maadaamaa uu dacwadda markii uu furayay uu magaciisa bes ah ku gudbiyay galka.

Ciidamada afgembiga kula wareegay dalkaas ayaa amray in gebi ahaanba la jaro internetka maadaamaa ay dalka ka dhacayeen mudaaharaadyo ragaadiyay dalkaas.

Garyaqaankan ayaa sheegay in uu yahay qofka kaliya ee rayidka ah ee isticmaala internetka, waxase uu sheegay in uu dib ugu laabanayo maxkamadda si uu u dalbado xuquuqda dadka reer Suudaan u leeyihiin in ay internetka helaan.

Wariyaha BBC-da laanta Afka Carabiga ee Khartuum Maxamed Cusmaan ayaa xaqiijiyay in weli internetka uu jaranyahay.

Xiisadda ka jirtay Suudaan ayaanan weli la xalin, balse waxaa socda wadahadalo lagu doonayo in lagu soo afjaro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker