Masaajidada Hargeysa Oo Diiday Amarkii Wasaaradda Diinta Awqaafta JSL, Iyagoo oo Dhib U gaysta dadka waaweyn, kuwa xanuusanaya iyo ubadka yaryar oo hurdada la salala.

Waxa wali sii socda awaamiirta ay bixiyaan qaar ka mid ah Xafiisyada hay’adaha dawladda Somaliland ee aanay cidina dheg-jalaq u siin ama aanay fulin waxa ay soo saaraan taasi oo keenta in dad badani xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland soo mara ku eedeeyaan in aanay lahayn awood dawladnimo oo adag ay ku socodsiiyaan awaamiirta ay soo saaraan ee ku aaddan bulshada taasi oo waji gabax ku ah hannaanka dawladnimo iyo hammiga aan leenahay ee ku aaddan in dalkani yeesho nidaam iyo kala dambayn ku dhisan hannaan dawladnimo oo sharcigu sarreeyo.

 

 

Qaar kamida Iimaamyada iyo dadka maamula Masaajidada Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa gabi ahaanba iska dhago mariyey oo aan waxba ka soo qaadin awaamiirtii dhawaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland shaacisay ee ku aaddanaa in aan la ogolayn in masaajidadu Makarafoonkooda dhinaca dibadda ay u adeegsadaan baahinta casharrada iyo salaadda Tajahudka si loo baxnaaniyo ama aanay dhibaato uga soo gaadhin dadka waaweyn ee da’da ah, kuwa xanuunsan iyo ubadka yaryar taasoo noqotay wax aanay waxba ka jirin kadib markii tan iyo bilawgii Bisha Ramadaan ay iska sii wateen Masaajidadu isticmaalka Makarafoonnada dibadda ee codka dheer leh iyada oo waliba habeen hore oo uu bilaabmay salaatu-laylka Tahajudka loo yaqaanaa ay iyana masaajidadu mar kali ah isla oogsadeen, cod dheerna ku baahiyeen salaadda.

 

 

Shacabka Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland gaar ahaan Kuwa Caasimadda Hargeysa ayaa habeen hore ku war helay saqdii dhexe ee  21-ka Ramadaan,  Masaajidada oo Sameecadaha dibada u isticmaalaya baahinta codka salaadda Tahajudka iyo waliba wacdi kala duwan oo culimadu masaajidada ka akhriyayeen taasi oo waxyeelo weyn u gaysatay dadka waaweyn, kuwa xanuusanaya iyo ubadka yaryar oo hurdada la salala.

 

 

Tani waxa ay si rasmi ah u baal marsan tahay awaamiirtii Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ku shaacisay Curashadii Ramadaanta ka hor taasoo ay ku sheegtay in aan la ogolayn in Masaajidadu ay Cod-baahiyayaashooda xooggan ee dibada u adeegasadaan Salaadda Tahajudka iyo waliba Casharrada/Wacdiga laga akhriyo masaajidada iyaga oo amar ku bixiyay in la isticmaalo oo kali ah Makarafoonnada gudaha ee Masaajidada.

 

 

Haddii aan dib u milicsanno amarkii Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Md. Khaliil Cabdilaahi Axmed markii uu ka hadlayay awaamiirtaasi ay soo rogeen waxa hadalladiisa ka mid ahaa: “Waxa dhacda inta lagu jiro gudashada Bisha Ramadaan in mu’adiniinta qaarkood ay ku kacaan ficillo ay cabasho ka muujiyaan dadka qaarkood sida furidda makarafoonka dibadda iyada oo aanay wax baahi ah oo loo qabaa aanay jirin. Maadaama ay diinteennu xoojinayso in aan umadda lagu dhibaatayn khayrka iyo wanaagga, isla markaana aan la nacsiin wanaagga ay diintu leedahay, waxa haddaba mamnuuc ah in cod-baahiyayaasha masaajidada ee dibadda loo isticmaalo salaatullaylka Tahajudka sababta oo ah waxa jira dad xanuusanaya, dad musaafiriin ah, iyo ubad yaryar oo laga yaabo in ay hurdada ka sasaan”. Sidaa waxa lagu yidhi war-saxaafadeed uu ku saxeexnaa wasiir Khaliil Cabdilaahi Axmed.

 

 

Waxaan haddaba Gabi ahaanba fulin awaamiirtaasi ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu hore u shaacisay ee khuseeyey Masaajidada, waana mid kale oo tilmaan buuxda u ah sida aanay dawladdu u ahayn mid codkeeda la dhagaysto iyada oo aad arkayso awaamiir badan oo xafiisyada xukuumadda ka soo baxa oo aan haba yaraatee waxba laga fulin. Waxase arrinka ugu layaabka badani yahay qaabka ay xukuumaddu uga fal celiso amar diidada dadka qaar ku sameeyaan awaamiirtooda oo ah in ay iska aamusaan oo aanay waxba dib uga tagin ugana qaban awaamiirtii ay soo saareen ee la jabiyay ama la fulin waayay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker