Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay In Dalka Ka Dhici Doonaan Doorashada Sanadka 2020

Muqdisho(OWN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xaqiijiyey in dalka ay ka dhici doonto doorashada sanadka 2020.

 

 

Waxa uu tilmaamay madaxweynaha in horey loo bartay in lasoo baraarugo xilliga ay doorashada soo dhowdahay kadibna qaban qaabo la bilaabo, balse dowladdiisa ayuu sheegay in iyadoo Sanad iyo bar jirtaa ay ka howlgaleyso doorashada dhici lahayd 2020.

 

 

“Waxaa caado ahaan jirtay in marka doorasho ay soo dhowdahay in markaasi la ordo oo qaban qaabo la galo, kadibna wax walbo faraha ka baxaan, laakiinse annaga oo Halsano oo Afar ama Shan Bil joogna ayaan go’aan ku qaadannay inaan ka howlgalno qaabkii iyo habkii doorashooyinka loo geli lahaa 2020, arrintani waxay ku timid midnimo iyo hoggaan sax ah oo ka yimid hanka dowlad goboleedyada” ayuu yidhi madaxweynaha Farmaajo.

 

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dalkaan ay ka dhacdo doorasho qof walba uu ka qeybqaato, si loo helo isbedallo.

 

Sanadka 2020 ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorashada qaabka xisbiyada, iyadoo ay ka qeybqaadan doonaan shacab badan oo Soomaaliyeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker