Qaar Kamida Iimaamada Magaalada Hargeysa Oo Iska Dhaga-tiray Amaro Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Soo Saaray
Hargeysa(OWN)-Qaar kamida Iimaamada Magaalada Hargeysa ayaa si badheedha u baalmaray , Awaamiir uu dhawaan soo saaray Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Khaliil Cabdilaahi Axmed ,
Awaamiirta Iimaamadani garab mareen ayaa waxa kamida In Marka ay tujinayaan Salaada Taajudka ee 10 ka danbe ee Ramadaan aanay sameecadaha dibada isticmaalay, taasi oo ay si badheedha u buriyeey ina baalmareen.
Bulshada Xaafadaha kala duwan ee Caasimada Hargeysa ayaa ku war helay saqdii dhexe ee Caawa oo 21 Ramadaan ah Iimaamadan oo Micriphone-ka iyo Sameecadaha dibada Masaajidadooda ay tukiyaan u isticmaalaya Tukinta Salaada Taajudka .
Amardiidadan ay ku dhaqaaqeen oo aan ahayn markii koobaad ayaa waxa ay muujinaysaa in aanay Iimaamada Masaajidada Hargeysa laga xukumin Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland balse aad moodid in meel kale laga xukumo.
Isku soo wada duuboo waxa aynu dhawridoonaa Talaabada uu qaado Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland oo aanay badi Digreetooyinkiisa iyo Awaamiirtiisu ka dhaqan galin guud ahaan dalka gaar ahaana dhanka Masaajidada
Halkan Hoose ka daawo Awaamiista Wasiirku soo saaaray 16 may 2018