Wefti Ka Socda Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Oo Soo Gaadhey Somaliland

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil Badhasaab ku xigeenka gobolka Gebiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) iyo maamulka degmada Tog-wajaale ayaa dalka Somaliland kusoo dhoweeyey Wefti wasiiro ah oo ka socda dawlad Deeggaanka Somalida Ethiopia.

 

Maamulka Degmada Tog-Wajaale, Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gebiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo goobta ay weftigan kusoo dhoweynayeen ka hadlay ayaa tilmaamay in weftigan oo ka kooban Wasiiro iyo wasiir ku xigeeno  ay ka qayb geli doonaan Bandhiga Buugaagta ee Hargeysa International Book Fair oo maalinta Berri ah ka furmi doona magaaladda Hargeysa.

 

Agaasime Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo masuuliyiinta kale ee Weftigan soo dhoweysay ayaa uga mahadnaqday wasiirrada iyo wasiir ku xigeenadda ka socday dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia sida ay ugala soo qayb galeen Munaasibada Bandhiga Buuggaagta ee Hargeysa International Book Fair,waxaanay tilmaameen in kasoo qayb galka munaasibadan ay weftigani kala soo qayb galeen ay macno gaar ah u lee dahay Somaliland.

 

Dhinacoodana Weftiga Wasiirrada ah ee ka socday dawlad deeggaanka Soomaalida Ethiopia oo halkaas ka hadlay ayaa uga mahadceliyey masuuliyiintan xukuumadda Somaliland ka socotay soo dhoweynta ay u sameeyeen, waxaanay tilmaameen in ujeedka socdaalkoodu yahay in ay ka qaybgalaan bandhiga Buugaagta ee Hargeysa Book Fair, madaama oo ay Somaliland iyo Ethiopia lee yihiin xidhiidho kala duwan.

 

Weftigan wasiirrada ah ee ka socday dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ay Bandhiga Buuggaagta ee Hargeysa ay ka baran doonaan wax badan, iyaga oo tilmaamay in ay Somaliland hore uga barteen wax badan oo ay kamid yihiin ciyaarihii sida tooska ay looga daawanaayey telefishanada ee Somaliland ka dhacay oo kuwo lamid ah ay iyaguna qabteen, waxaanay cadeeyeen in bandhigan mid lamid ahi uu ka dhici doono magaaladda Jig Jiga dhowaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker