Dawlada Imaaraatka Carabta oo la Anfariiray Hanjabaadda Turkiga

Abu Dhabi (OWN) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Turkiga looga baahanyahay in uu joojiyo faro-gelinta arrimaha Carabta, isagoo cambaareeyay hadal uu wasiirka difaaca Turkigu ka sheegay Liibiya.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii warbaahinta Turkiga ay werisay in wasiirka difaaca Turkiga uu ka hadlaya arrimo xasaasi ah oo ku saabsan cuno-qabateynta Imaaraadku saaray Liibiya.

Imaaraadka oo kaashanaya Masar, iyo Ruushka ayaa taageera ciidanka jooga bariga Liibiya ee uu hoggaamiyo Khaliifa Hafter, kaas oo xoogaggiisu ay dagaal kula jiraan dowladda uu caalamku aqoonsanyahay ee Libya. Turkigu-na waxa uu tageerayaa dowladda Liibiya.

“Xiriiradda hanjabaado laguma maareeyo mana jiro gumeysi xilligan,” ayuu Twitter-ka kusoo qoray Anwar Gargash.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa toddobaadkii sheegay in Imaaraadka Carabta uu yahay “dal lagu shaqeyso oo dalal kale ugu adeega militari iyo siyaad ahaan, sidii la doonana loo leexiyo.”

Isaga oo cambaareynaya faro-gelinta Imaaraadka ee Libya iyo Syria, ayaa Akar wuxuu wareysi uu siiyey Aljazeera ku sheegay in Turkiga ay Imaaraadka waqtiga iyo goobta ugu habboon kala xisaabtami doonaan ficillada xun ee ay ka gaysteen Libya iyo Syria.

Akar ayaa Imaaraadka ugu baaqay inay ka fakaraan “sida ay u yihiin dal aad u yar iyo heerka saameyntooda, islamarkaana aysan faafin rabshadaha iyo musuq-maasuq.”

 

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka inay tagaeeraan “ururo argagixiso oo kasoo horjeeda Turkiga”, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay inay dhaawacaan Ankara.

 

 

Xasaradaha ayaa kasii daray markii military-ga Sucuudiga iyo xulifo  uu hoggaminayo ay Xuutiyiinta ku qaadeen olole cirka ah, si ay dib talada ugu celiyaan dowladda calamku aqoonsanyahay ee Yemen.

Xulifadu waxay Yemen faro-geliyeen bishii March sanadkii 2015-kii, kadib markii ay Xuutiyiintu cayriyeen dowladda uu hoggamiyo Cabdurabbi Mansuur Haadi, isla markana ay caasimadda Sanca ka qabsadeen dabayaaqadii sanadkii 2014-kii.

Tobanaan kun oo reer Yemen ah ayaa la rumeysanyahay in ay ku dhinteen colaadaha, halka 14 million oo kale ay khatar ugu jiraan macluul, sida ay sheegtay Qaramadda Midoobay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker