Al-shabaab Oo Dishay Xildhibaanno Ka Mid Ah Hir-shabeele, Lix Askari Iyo Masuul Kale

Baladweyne(OWN)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar lagu dilay gabal dhicii Maanta laba Xildhibaan oo ka tirsanaa maamulka Hir-shabeele,Guddoomiye ku-xigeenkii deegaanka Raage-Ceelle iyo Lix Askari oo ka tirsanaa ciidamada Milletariga Dowladda Soomaaliya.

 

 

Weerarkan oo ka dhacay deegaan ku dhaw degmada Balcad ayaa xildhibaannada lagu dilay magacyadooda lagu kala sheegay Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Daahir Mukhtaar.

 

Weerarka ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Raage Ceelle Muuse Cabdulle Maxamed Muuse (Afweyne) iyo mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlad-gobolleedka Hir-shabelle oo magaciisa lagu soo gaabiyay Xasan Dhagey.

Al-shabaab ayaa markiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana warbaahinta taageerta ay sheegtay in 12 askari iyo labo ka mid ah xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabelle la dilay.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Hir-shabeelle oo la xidhiidha weerarka lagu dilay xildhibaannada iyo saraakiisha ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha dhexe.

 

 

Xildhibaannada la dilay

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker