Qareenka Donald Trump Oo Sheegay In Uu Sharciga Maraykanku U Ogolyey Donald Trump Inuu Naftiisa Cafiyo

Donald Trump ayay u badan tahay in uu leeyahay awoodda uu naftiisa kaga cafiyi karo baaritaanka la xiriira in Ruushka iyo isaga ay wado shaqayn dhexmartay, balse uusan rabin in uu sidaa yeelo, sida uu sheegay Rudy Giuliani oo ah qareenkiisa.

Dacwad ooge khaas ah ayaa baaritaan ku haya doorkii uu Ruushku ku lahaa doorashadii Maraykanka ka dhacday 2016kii iyo bal in Trump uu hor istaagay caddaaladda.

Su’aasha ku saabsan in madaxweynuhu uu naftiisa cafiyo ayaa timid ka dib markii wargeyska New York Times uu daabacay waraaq loo diray dacwad oogaha oo ka timid qareenka Trump.

Waraaqdaas ayaana lagu sheegay in madaxweynuhu uu leeyahay awood dhamaystiran oo sharci ah oo uu ku soo af jari karo baaritaannada amaba uu adeegsan karo awoodda uu naftiisa ku cafin karo”.

“Awoodahaas ayaana ka dhigan in uusan sina u carqaladaynin caddaaladda, ayay ku doodeen”.

Isaga oo ka soo muuqday barnaamijka This Week ee ka baxa telefeshinka ABC ayaa la waydiiyay in Trump uu leeyahay awood uu naftiisa ku cafiyi karo.

Giuliani oo madax u ah waaxda sharci aqoonka ah ee madaxweynaha ayaa yiri “waxay u badan tahay in uu leeyahay”, balse wuxuu ku daray in madaxweynuhu uusan ku talo jirin in uu is cafiyo”.

Isaga oo hadalka sii watana wuxuu yiri “Waxay ila tahay saamaynta siyaasadeed ee ka dhallan karta waa mid adag. Cafinta dadka kale waa arrin, cafinta naftaadana waaa arrin kale”.

Kevin McCarthy oo ah gudoomiyaha aqlabiyadda ee xildhibannada aqalka wakiillada xisbiga Jamhuuriga oo Axaddii la hadlay telefishinka CNN ayaa sheegay in aysan ahayn in madaxweyne uu is cafiyo.

Muxuu Trump uga baahan yahay is cafinta?

Waxay arrintani salka ku haysaa baaritaanka uu wado Robert Mueller oo ah dacwad ooge khaas ah oo baaritaan ku haya eedaynta ku saabsan in wada shaqayn ay dhex martay kooxda Trump iyo masuuliyiin Ruush ah intii uu socday ol’olihii doorashada ee talada kula wareegay.

Trump ayaa markaste sheega in aysan jirin wax wada shaqayn ah oo uu Ruushka la yeeshay, baaritaanka lagu hayana wuxuu ku tilmaamay “quraafaad”.

Qayb ka mid ah baaritaanka Mueller ayaa diiradda lagu saarayaa bal in madaxweynuhu si dambi ah u carqaladeeyay caddaaladda, waxaana si khaas ah loo baarayaa eryitaankiisii lataliyihii hore ee Ammaanka Qaranka Maraykanka Michael Flynn, madixii hore ee FBI-da James Comey iyo falcelinno uu ka sameeyay Xeer Ilaaliyaha Guud Jeff Sessions.Run ahaantii qofna ma oga. Mana jiro madaxweyne arrintaas isaga uga horreeyay.

Marka la fiiriyo kiiskii madaxweynihii hore ee Maraykanka Richard Nixon waaxda caddaaladdu waxay sheegtay in uusan is cafin karin isagu, balse waxaa jira dad kale oo ku doodaya in aysan ahayn arrin mamnuuc ka ah dastuurka Maraykanka.

Xigasho: BBC SOMALI

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker