Puntland Oo ka Walaacsan Lacagtii Deeqda Soomaaliya Siisay Somaliland inay ku iibsadaan Hub iyo wax la mid ah

Garoowe(OWN)- Shir jaraa`id oo maanta magaalada Garowe ay ku qabteen mas`uuliyiinta Guddiga Difaacada ee Puntland ayeey kaga hedleen lacagtii dowlada dhexe ee Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay saameeyeen Duufaanadii ku dhuftay deegaanada Somaliland.

 

 

Puntland waxaa ay sheegtay in Dawladda Soomaaliya la safatay Somaliland oo Lacag si toos ah ugu dirtay iyadoo aan u marin guddida gurmadka.

 

Guddiga gurmadka fatahaadaha ee Qaranka ayaa shalay ku dhawaaqay in lacag gaareysa 1Milyan oo dollar ay ugu deeqeyn dadkii ay saameeyeen Duufaanadii ku dhuftay deegaanada Soomaaliland sida uu warbaahin u sheegay guddoomiyaha guddiga gurmadka ahna Ra`iisul Wasaare ku xigeynka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

 

 

Laakiin deeqdaas waxaa walaac ka muujiyay Puntland oo sheegay in ay ka baqanayaan in lacagtaas deeqda ah Somaliland ay u isticmaasho dagaalka kala dhaxeyso Puntland.

 

 

Wasiirka arimaha gudaha ee Puntland C/laahi Cali Xersi Timacadde ayaa sheegay in ay ka baqayaan lacagtaas loo isticmaalo arimo siyaasadeed oo Somaliland ay ku iibsadaan Hub iyo wax la mid ah.

 

 

“kama hor Imaanayno gurmadka loo fidinayo dadka wax yeelada ka soo gaartay Duufaanadii ku dhuftay Soomaaliland laakiin waxaan walaac ka muujineynaa wadadii Somaliland loo marsiiyay deeqdaasi”, Ayuu yidhi Wasiirku

 

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay aheed in guddiga lacagtaas ay ku wareejiyaan Culimada, Odiyaasha dhaqan iyo Duubabka laakiin aysan aheen madaxda Somaliland si toos lacagtaas gacanta looga saaro.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker