Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tababar u soo xidhay Booliska Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa shaaca ka qaaday inaanu qaranka Somaliland marnaba diyaar u ahayn inuu cid dagaal iyo weerar ku qaado, isla markaana ay Somaliland diyaar u tahay inay deriskeeda wanaag iyo nabadgelyo kula noolaato, gaar ahaan dalka Soomaaliya, waqtiganina aanu ahayn mid dagaal la curiyo, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Nasiib-darro dagaal aynaan u baahnayn baa ka dhex dhacay Somaliland iyo Soomaaliya, maanta Somaliland iyo Soomaaliya dagaal umay baahnayne waxa aynu u baahnayn inaynu iska kaashanno si aynu dhibaatooyinka abaaraha, biyo la’aanta, iskuul la’aanta, caafimaad-darrada iyo shaqo la’aanta uga baxno, Somaliland-na hadafkeedu taas ayuu ahaa inay jaararkeeda nabad u fidiso oo wax wada-qabsi u fidiso oo aynu jaarnimo wanaagsan ahaanno dhinac walba, Soomaaliya-na taas uun baanu ula soconnay oo aanu ka rabnaa maanta, shalay iyo mar walba.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker