Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tababar u soo xidhay Booliska Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa shaaca ka qaaday inaanu qaranka Somaliland marnaba diyaar u ahayn inuu cid dagaal iyo weerar ku qaado, isla markaana ay Somaliland diyaar u tahay inay deriskeeda wanaag iyo nabadgelyo kula noolaato, gaar ahaan dalka Soomaaliya, waqtiganina aanu ahayn mid dagaal la curiyo, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, โ€œNasiib-darro dagaal aynaan u baahnayn baa ka dhex dhacay Somaliland iyo Soomaaliya, maanta Somaliland iyo Soomaaliya dagaal umay baahnayne waxa aynu u baahnayn inaynu iska kaashanno si aynu dhibaatooyinka abaaraha, biyo laโ€™aanta, iskuul laโ€™aanta, caafimaad-darrada iyo shaqo laโ€™aanta uga baxno, Somaliland-na hadafkeedu taas ayuu ahaa inay jaararkeeda nabad u fidiso oo wax wada-qabsi u fidiso oo aynu jaarnimo wanaagsan ahaanno dhinac walba, Soomaaliya-na taas uun baanu ula soconnay oo aanu ka rabnaa maanta, shalay iyo mar walba.โ€

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker