Gobolka Somalida Kenya Oo ka Hor-yimid Natiijada Tirakoobkii Maanta la Shaaciyay.

Xildhibaan Maxamuud Oomaar ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn natiijada tirakoobka isla markaasna aysan fileyn natiijadaasi laga soo saaray tirakoobka.
Xildhibaan Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in xisaabihii ay filayeen aan lasoo qorin, islamarkaana laga dib dhacay,isagoo dalbaday in dibu eegis lagu sameeyo cabashadooda ku aadan tirkakoobka shacabka soomaalida ee ku nool gobolkaasi, waxuuna xusay inay ka baaraan degayaan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan.
Natiijada tirakoobka gobolka waqooyi bari:
Gaarisa, 841,353
Wajeer, 781,263
Mandheera, 867,457
Sikastaba ha ahaatee dawlada Kenya ayaa maanta shaaca ka qaaday natiijada tirakoob laga qaaday shacabka Kenya, iyadoo tiradan ay boqolkiiba 9 Malyan ka badan tirakoobkii la qaaday tobban sanno ka hor.