20 Eedaysanayaal Lagu Qabtay Xashiishad Dalka Sacuudiga

Jiddah(OWN)- Afhayeen u hadlay Ciiddanka Sucuudiga  ayaa maanta sheegay in 20 qof oo tahriibinaysay 641 Kg oo Xashiish bishii hore lagu qabtay Xuduudka Koonfureed ee dalkaasi.

 

Ilaaladda Xuduuka ee magaallooyinka Jizaan, Najraan iyo Casir ayaa la sheegay inay faashiliyeen isku-day lagu doonayey in Xashiish culayskiisu dhamaa 641 Kg. ama in ka badan Kala-barka Hal Tan.

 

 

Eedeysanayaasha lagu qabtay Xashiishkaasi ayaa kala ahaa 9 Ethiopian, 9 Yemeniyiin iyo 2 Soomaali ah, Eedeysanayaasha iyo Xashiishkii waxaa loo gudbiyey Taliska Ciiddanka La-dagaalanka Daroogadda, si ay baadhitaan dheeraad ah ugu sameeyaan.

 

 

Bishii sadexaad  ee sannadkan waxaa Sacuudiga lagu qabtay 22 Eedeysane oo tahriibinaysay in ka badan 400 Kg oo Xashiish iyo daroogada Herowiinka (Heroin).

 

 

Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga waxay Dil Qoor-goyn ah ku fuliyaan dadka lagu qabto waxyaabaha Mukhaadaraadka , mana kala cadda haddii 20-ka Eedeysane ee la qabtay lagu fulin doono Xukunkaas dilka ah.

 

 

Oodweynenews News desk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker