Shirkadda Google Oo Xidhiidhka U Jaraysa Wasaarada Difaaca Maraykanka

Shirkadda Google ee adeegyada internetka iyo tiknoolajiyadda bixisa ayaa lagu soo waramayaa in ay xiriirka u jarayso wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon, tani ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay shaqada ka tageen mas’uuliyiin sarsare oo shirkadan ah, islamarkaasna ay warqad cabasho qoreen kumanaan shaqaalaha Google ah.

Waxa ay ka cabanayaan in heshiis ka dhaxeeya Google iyo Pentagon uu horseedi karo in dad rayid ah oo meelo ka mid ah adduunka naftooda ku waayaan.

Heshiiska ka dhaxeeya ayaa waxa uu dhigayaa in shirkadda Google ay Pentagon gacan ka siiso sidii loo samayn lahaa barnaamij casri ah oo wasaaradda gacan ka siin kara hirgalinta barnaamijyo casri ah oo ay ku shaqeeyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaano.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareeya oo lagu magacaabo Diane Greene aya shaqaalaha u sheegtay in aysan cusboonaysiin doonin heshiiska shirkadda oo dhacaya bisha Maarso ee soo socota.

Balse wariye lagu magacaabo Kate Conger oo arrimaha tiknoolajiyadda ku xeeldheer ayaa BBC-da u sheegtay in Google aysan wali hakinin mashruuceeda Maven, islamarkaasna aysan meesha ka saarin in mustaqbalka ay heshiisyo la gasho militariga.

Heshiiskan ayaa waxa uu hadda ku kacayaa illaa $10 milyan oo doolar. Shaqaalaha ayaa waxa ay farta ku fiiqayaan in diyaaradaha loo adeegsado duqeymo xagga cirka ah oo laga geysto meelo ka mid ah adduunka, taasna ay xad gudub ku tahay ujeeddooyinka xagga rayidka ah ee Google.

Bishii April ee sanadkan illaa 4 kun oo shaqaalaha Google ah ayaa saxiixay warqad ay ashtako kaga muujinayaan mashruucan, iyaga oo sheegay in kalsoonida macaamiisha ay ku qabaan shirkadda uu dhaawacayo mashruuca. Balse Google ayaa sheegay in ay u xilatay macaashka badan ee ay ka heleyso heshiiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker