Puntland Oo Ku Eedaysay Somaliland Weerarkii Alshabab Ee Buuraha Cal Madaw

Wasiirka Amniga dowladda Puntland,Axmed Cabdullaahi Yuusuf Cabdulle(Dowlad) oo duhurnimadii maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay weerarkii xalay lagu qaaday ciidamada Badda Puntland ee ku sugan degaanka Balli-khadar ee buuraha Calmadow.

 

 

“Dowladda Puntland waxay u sheegaysaa shacabka Puntland,umadda Soomaaliyeed,iyo Beesha caalamka,in xalay oo bisha 2 June ahayd 2018,saqdii dhexe in argagixisada caalamiga ah ee Al-shabaab iyo malayshiyaadka Hargeysa oo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsan malayshiyaadka Hargeysa,Saraakiishaas oo uu kamid yahay sarkaalka lagu magacaabo Maxammed Cabdullaahi Bataar,kana tirsan guutada 8 aad ee maamulka Hargeysa,una dhashay beesha Isaaq/Habar-jeclo,islamarkaana deggan magaalada Ceerigaabo,xalay ay weerar ku soo qaadeen saldhigga Balli-khadar ee Puntland halkaasna ay kala kulmeen jab xooggan dhimasho bandanna ay ka soo gaartay”, ayuu yidhi Wasiir Dowlad.

 

Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Puntland uu soo gaaray khasaare kooban,islamarkaana si geesinimo iyo sharafleh isaga difaaceen weerarka lagu soo qaaday”waxaa soo gaaray ciidanka Puntland khasaare kooban,si geesnimo leh,sharafleh ayeyna isaga difaaceen,isagana caabbiyeen”,ayuu raaciyay.

 

Wasiirka Amniga dowladda Puntland oo hadalkiisa sii wata,ayaa sheegay in malayshiyaadka Al-shabaab iyo ciidamada Somaliland ay isku milmeen,kana midaysan yihiin waxyeellaynta iyo degga’naansho la’aanta umadda Soomaaliyeed,sida uu hadalka u dhigay.

 

“Waxaan sidoo kale u xaqiijinaynaa,umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka,in maamulka Hargeysa iyo argagixisada caalamiga ah ay isku milmeen,kana midaysan yihiin waxyeellaynta iyo degga’naansho la’aanta umadda Soomaaliyeed dhammaantood,marka laga reebo maamulka Hargeysa”,ayuu yidhi Wasiirka Amniga Puntland.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker