Maxamed Bin Salmaan oo la kulmaya Recep Tayyip Erdogan
Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa safarkiisii ββugu horeeyay ku tagaya dalka Turkiga, tan iyo markii weriyeJamal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.
Caro caalami ah ayaa ka dhalatay dilka weriyaha afar sano ka hor taas oo Sacuudiga u horseeday in la geliyo goβdoon diblomaasiyadeed.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa hadda soo dhaweeyay dhaxal sugaha Sacuudiga, kaas oo iska fogeeyay eedeymaha ah inuu amray dilka Mr Khashoggi.
Dadka falaanqeeya siyaasadda gobolka ayaa sheegaya in rajada maalgashiga cusub ee Sacuudiga ay gacan ka geysan doonto kobcinta dhaqaalaha liita ee Turkiga.
Maxamed bin Salmaan dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale booqday wadamada Urdun iyo Masar horaantii todobaadkan.