Denmark Oo Mamnuucay Xidhashada Niqaamka Ee Dumarka Muslimka Ay Ku Xidhaan Dalkaas

Denmark(OWN)-  Waddanka Denmark ayaa ku biiray dhawr dal oo reer Yurub ah oo mamnuucay xidhashada Niqaamka oo dumarka Muslimka ahi u xidhaan goobaha dadka isugu yimaaddo. Baarlamaanka Waddankaasi ayaa shalay ansixiyay sharcigan oo ay dabada ka riixayaan xisbiyada neceb Muslimka.

 

Sharcigan ayaa dhigaya in qof kasta oo dhar wajigiisa daboola u soo xidha meelaha dadku isugu yimaaddo lagu ganaaxi doono lacag dhan 156 doollar, qofka mar kale lagu qabtana lacag ka badan 15 kun oo dollar. Waxa uu sharcigan dhaqan gali doona 1 August.

 

Mamnuucidda Niqaamku waxa hore u sameeyay waddamada Belgium, France, Netherland, Bulgaria iyo qaybo ka mid ah Switzerland.

 

Agaasimaha qaaradda Yurub ee hay’adda xuquuqal iisaanka Amnesty International Mr Gauri van Gulik ayaa sheegay in sharcigan xuquuqda dumarka Muslimka ah ka dhan yahay “Dhammaan dumarku waxay xor u yihiin in ay u labistaan sida ay ku faraxsan yihiin iyo in ay xidhaan dharka muujinaya jinsiyadooda ama rumaysnaantooda(Diintooda),” Sidaas ayuu yidhi Gauri van Gulik

 

Waxa uu sheegay in mamnuucidda niqaamku saamayn taban ku yeelanayso dumarka muslimka ah ee raallida ku ah xidhashada niqaamka, islamarkaana xorriyaddooda meel lagaga dhacayo.

 

Waddanka Faransiiska oo muslimiin badan ku nool yihiin ayaa noqday dalkii u horeeyay ee mamnuuca indha shareerka kadib sharci 2011 dhaqan galay waxaanay dalalku ku andacoodaan in ay tahay arrin dhanka ammaanka ku saabsan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker