Dalalka Midowga Yurub,Canada iyo Mexico Oo Qorshaynaaya Dagaal Dhaqaale Oo Ay Ku Qaadayaan Maraykanka

Dalalka Midowga Yurub,Canada iyo Mexico ayaa qorshaynaya inay ku dhaqaaqaan tallaabo ay uga argoosanayaan go’aanka Madaxweyne Donald Trump uu caanshuuraha ugu soo rogay macdanta naxaaska iyo birta loo dhoofiyo Mareykanka.

Midowga Yurub ayaa soo saaray warbixin ka kooban 10 bog oo ku salaysan alaabaha uu canshuuro Mareykanka oo ay kamid yihiin cunnada iyo mootada. Dalalka Midowga Yurub waxay qorshaynayaan inay ka hor yimadaan go’aankaasi. Madxaweynaha Mareykanka Trump ayaa ku andacoonayana canshuuraha uu kusoo rogay naxaaska lasoo gelinaya Mareykanka ay dan u tahay dadka Mareykanka ee ka shaqaysta biraha iyo inay muhiim tahay ganacsiga dalkaasi.

Madxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo guddoomiyaha barlaamanka arrimaha ganacsiga EU Bernd Lange ayaa ku tilmaamay go’aanka Trump mid sharci darro ah.

Wasiirka ganacsiga ee dalka Jarmalka Peter Altmaier ayaa ku rajo qabaa in jawaabta Midowga Yurub ay u horseedi doonto Madaxweyne Trump inuu dib uu eego canshuurta uu kusoo rogay naxaasta iyo birta Mareykanka loo dhoofiyo.

Xoghayaha gancsiga ee dalka UK Liam Fox ayaa sheegay in 25% canshuuraha la saaray naxaaska ay tahay tallaabo aan macquul ahayn. Wuxuu intaasi ku daray in nasiib darro ay tahay haddii dalalka saaxibada ah ay argoosi ku jiraan mar kasta. Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa sheegay in go’aanka madaxweyne Trump innaba aan la aqbali Karin islamarkaasna ka hor yimid hadlka Trump ee ahaa in tallaabadan ay difaaci doonto danaha dadka ku shaqaysta birta ee dalka Mareykanka.

Canada ayaa qorshaynaysaa in bisha July ay kusoo roogto 25%, 13 bilyan oo doolar oo ah qiimaha alaabaha ay dhofiyaan Mareykanka, Badeecadaha ay saamayn doonto waxaa kamid ah birta Naxaaska ah, caanaha iyo Kafeega Mareykanka.

Dadka kasoo horjeeda arrintani waxaa kamid ah Paul Ryan oo ah Afahayeenka aqalka baarlamaanka Mareykanka, wuxuu yiri ” bartilmaameedku wuxuu yahay dalalka saaxibada la ha Mareykanka, marka goormaan ka shaqayn doonaa in aan ka hadalno ganacsiga aan caddaaladda ahayn sida dalka Shiinaha uu wado”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker